Xiliga Ay Dib U Heli Doonto Kooxda Manchester United Adeega Difaaca Reer Argantina Marcos Rojo Oo Lasii Ogaaday.

Difaaca ree Argantina ee kooxda Manchester United Marcos Rojo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu si wanaagsan kaga soo kabtay dhaawacii uu tan iyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kaga maqnaa garoomada, wuxuuna isku diyaatinayaa inuu ku soo biiro xiliyada soo aadan shaxda José Mourinho.

Difaaca kooxda Manchester United ayaa dhaawac daran wuxuu kasoo gaadhay dhanka jilibka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna waayay adeegiisa macalinka ree Portugal ee Jose Mourinho kulamo badan, maadaama uu kooxa Manchester United ka ahaa kahor inta uusan dhaawacmin xidig muhiim ah.

Marcos Rojo oo ka hadlayay xaalada dhaawacii uu kaga maqnaa tan iyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kooxda Manchester United ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan ciyaari doonaa kulan saaxiibtinimo, aadbaan ugu faraxsanahay soo labashadeyda”

Rojo oo United ku soo biiray 2014, ayaa u sheegay Daily Mail sidoo kale.” “Waxaan dareemayaa wanaag. Illaa iyo hadda wax dhibaato ah ma qabo, laakiin tababarku ma ahan sida kulanka oo kale sidaa darteed waxaan ciyaari doonaa 45 daqiiqo kulanka saaxiibtinimo ee tababarka”

Laakiin warar soo baxay ayaa lagu sheegay in difaaca reer Argantina Marcos Rojo seegi doono shanta kulan ee soo socota ee ay kooxdiisa Red Devils wajihi doonto, kooxaha kala ah Newcastle, Basel, Brighton, Watford iyo Arsenal isagoo doonaya, waxaana la filayaa inuu dib u soo laabto kulan Champions League-ga ee CSKA.

 

Comments

comments