Xiidga Khadka Dhexe Manchester United Paul Pogba Oo Ku Tilmaamay In Koobka Aduunka 2018 Ay U Tahay Fursad Weyn Ay Kaga Kaban Karaan Guuldaradii Euro.

Xidiga khadka dhexe kooxda Manchester United iyo xulka qaranka France Paul Pogba ayaa wuxuu sheegay in u gudbi taankooda finalka koobka aduunka 2018 ay tahay fursad aad u wanaagsan ay kaga aargoosan karaan guuldaradii kasoo gaartay finalkii Euro 2016.

Xulka qaranka France ayaa u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay 1-0 ku khaarajiyeen Belgium. Samuel Umtiti ayaa noqday geesiga xulka France kadib marii uu dhaliyay goolka kaliya ee uu xulkiisu ku garaacay Belgium isla markaana ay ugu soo baxeen finalka koobka aduunka.

Wiilasha Didier Deschamps ee France ayaa waxay si aad ah u doonayaan in ay ku guuleystaan koobka aduunka markoodii labaad ee taariikhda tan iyo 1998-dii, sidoo kale Paul Pogba ayaa wuxuu doonayaa inay kaga dhigtaan argoosi ku aadan guuldaradii kasoo gaadhay finalkii Euro 2016 ay kala kulmeen xulka qaranka Portugal.

Paul Pogba ayaa wuxuu ugu horeyn u sheegay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France: “Waxa ugu cajiibsan uguna yaabka badan ayaa ah inaan gaarnay finalka koobka aduunka, laakiin wali waa talaaba aan qaadnay oo kaliya”.

Khadka dhexe kooxda Manchester United ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Maanta waan faraxsanahay, laakiin ma ahan sida Euro oo kale, sababtoo ah waxaan heysanay fursad weyn aan ugu guuleysan karnay koobkii Euro, laakiin hada waxaan heysanaa fursad aan ku aargoosan karno si aan ugu guuleysano koobka aduunka 2018, waxaana muhiim ah inaan iska luminin fursadan”.

Pogba ayaa sidoo kale sheegay: “Haatan waa inaan diirada saarnaa dhameystirka Koobka Adduunka, sababtoo ah waxaan aad ugu dhaweyn ku guuleysiga koobkii Qaramada Yurub”.

Laacibka reer France ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan dareemayaa farxad markaan arko dadka dhinacyadeyda ee iyaguna faraxsan, laakiin waxaan rajeynayaa inaan ka farxiyo July 15-keeda ee la ciyari doono finalka koobka aduunka 2018”.

Xulka qaranka France ayaa la filayaa inuu la ciyaari doono kulanka finalka koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia kaasoo la ciyaari doono 15-ka bishan July midkood kii soo gudba xulalka Croatia iyo England oo caawa balansan.