XIFILTANKEE!! Liverpool Oo Kooxdeeda U Magacaabaysa Tababarihii Goolhayayaasha Man United Oo Todoba Sanadood La Soo Qaatay David De Gea Iyo Van der Sar.

Kooxda Liverpool ayaa magacaabaysa tababarihii goolhayayaasha kooxda Manchester United ee Jack Robinson  kaas oo Old Trafford ku soo qaatay muddo todoba sanadood ah wuxuuna la soo shaqeeyay David De Gea iyo Van der Sar wuxuuna hadda Jack Robinson uu qayb ka noqon doonaa shaqaalaha tababarka ee kooxda Liverpool.

Inta badan kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayayna shaqsiyaadka kubbada cagtu u kala gubin maadaama oo ay labada kooxood yihiin kuwa uu xifiltanka ugu wayn ee kubbada cagta England uu ka dhexeeyo laakiin Jack Robinson ayaa hadda iska ilaawi doona xifiltankii uu Reds kula soo jiray waqtiga dheer wuxuuna ka mid noqon doonaa shaqaalaha Klopp.

Tababare  Jack Robinson  ayaa muddo dheer ka soo shaqaynayay Manchester United isaga oo ahaa tababarihii goolhayihii taariikhda ku soo sameeyay Man United ee Edwin van Der Sar wuxuuna kadib la soo shaqeeyay David De Gea balse waqtiyadii ugu danbeeyay waxa uu  Jack Robinson  ka hawl galiyay xidhiidhka kubbada cagta England ee FA-ga.

Jack Robinson  ayaa la shaqayn doona tababaraha goolhayayaasha Liverpool ee John Achterburg kaas oo ay aad iskugu fiican yihiin Jurgen Klopp iyada oo Liverpool doonaysa in ay waqti muhiim ah galiso Alisson iyo Mignolet oo ah labada goolhaye ee uu Klopp xili ciyaareedkan ku shaqaynayo.

Wargayska Daily Mail ayaa shaaciyay in Liverpool ay kooxdeeda u magacaabi doonto Jack Robinson kaas oo haysta khibradii uu Sir Alex Ferguson ugula soo shaqeeyay Manchester United wuxuuna isku dayi doonaa in uu khibradiisa ku soo kordhiyo shaqaalaha goolhayayaasha Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Jack Robinson oo Manchester United waqti badan soo qaatay ayaa go’aan ku gaadhay in uu ku biiro kooxda uu sanadaha badan la soo xifiltamayay ee Liverpool isaga oo caawin doona Alisson iyo Mignolet.