Xidihii Fashilmay, Kuwii Wacdaraha Dhigay Iyo Qiimaynta Ciyaartyoda Kooxaha Liverpool & Tottenham Ee Finalkii UCL.

Liverpool ayaa ku guulaysatay koobka UEFA Champions League oo ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ka ciyaartay kulankiisa kama danbaysta ah waxayna Reds guul 2-0 ah ka gaadhay kooxda Tottenham.

Mohamed Salah ayaa ka soo kabsaday qalbi jabkii iyo oohintii finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay wuxuuna ahaa xidiga dhaliyay goolkii furitaanka ee rekoodhaha ahaa kaas oo noqday gool ayna Spurs marnaba ka soo kabsan.

Guushani waxay Liverpool ka caawinaysaa in ay heshay wixii ay xili ciyaareedkan sida layaabka leh ugu soo dagaalantay iyada oo Jurgen Klopp uu lix final oo xidhiidh ah oo uu soo guuldaraystay ayaa ugu danbayn ka baxay habaarkii soo haystay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Tottenham ee finalkii UEFA Champions League.

XIDIGII GAROONKA: Alisson Becker ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib gool badbaadintii uu ka sameeyay kulankii finalkii Champions League gaar ahaan markii ay kooxdiisu cadaadiska badan ku jirtay.

Alisson ayaa Liverpool hogaanka u ilaaliyay tobankii daqiiqo ee ugu danbeeyay intii aanu Origi goolka dhaliyay isaga oo fursado cajiib ah ka beeniyay Son, Erikson iyo Moura wuxuuna muujiyay sababta ay Liverpool lacagtiisii ugu faa’iiday.

Xidigihii Fashilmay: Harry Kane iyo Sissoko ayaa noqday labada xidig ee qiimaynta ugu liidatay ka helay Tottenham intii shaxda ku soo bilaabtay laakiin xidighii kaydka ka soo baxay ayaan saamayn yeelan.

Dele Alli ayaa isna fashil xun ku noqday finalkii Champions League laakiin Alderweirld, Vertonghen iyo Harry Winks ayaa qiimayn fiican helay.

Dhinac Liverpool Firmino ayaa fashil noqday wuxuuna Klopp markiiba fahmay in aanu xaalad fiican ku jirin isaga oo Origi oo goolka labaad dhaliyay ciyaarta soo galiyay.

Qiimaynta Ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Tottenham: Lloris (6), Trippier (6), Alderweireld (7), Vertonghen (7), Rose (6), Winks (7), Sissoko (5), Alli (4), Eriksen (6), Son (6), Kane (4)

Subs: Moura (5), Dier (5), Llorente (NA)

Liverpool: Alisson (8), Alexander-Arnold (7), Matip (7), Van Dijk (8), Robertson (8), Fabinho (7), Wijnaldum (6), Henderson (7), Salah (7), Firmino (4), Mane (7)

Subs: Origi (7), Milner (7), Gomez (NA)

Man of the match: Alisson