Xidigii Lionel Messi & Cristiano Ronaldo In Ay Goolal Ka Dhaliyaan FC Girona Uga Dhaartay Ee Pablo Maffeo Oo Man City Amaah Kaga Maqan Oo Ka Sheekeeyay Qaabkii Ay Qoyskiisu U Ooyeen Kadib Guushii Madrid.

Kooxda FC Girona ayaa markii ugu horaysay taariikhda kooxdeeda waxay ka soo qayb gashay horyaalka heerka kowaad ee La Liga kadib markii ay dhamaadkii xili ciyaareedkii hore xaqiijisatay booska ay heerka labaad kaga soo dalacday, laakiin markii ay kubbada heerka kowaad ee Spain ay u soo baxeen waxay sameeyeen saxiixyo ay kooxdooda sare ugu soo qaadeen waxaana ka mid ahaa in ay Manchester City amaah kaga soo qaateen difaaca layaabka samaynaya ee Pablo Maffeo.

Pablo Maffeo ayaa si layaableh u awooday in labada xidig ee kubbada cagta aduunka ugu fiican uu ka dhaariyo in hal gool ay ku dhaliyaan garoonka kooxdiisa ee FC Girona isaga oo xidiga Man City amaahda kaga maqan ee Pablo Maffeo ahaa xidigii loo adeegsaday in markii hore Messi lagu calaamadiyay kulankii La Liga ee Barcelona ay guusha cidhiidhiga ahayd soo gaadhay isaga oo Messi goob kasta la taagnaa si uu kubbada uga ilaaliyo.

Lionel Messi ayaa markaas Pablo Maffeo waydiiyay da’diisa iyo haddii uu Manchester City amaah kaga maqan yahay wuxuuna Pablo Maffeo hore u sheegay in Messi uu dareen fiican u muujiyay markii ay ciyaarto dhamaatay, laakii markale Pablo Maffeo ayaa noqday xidigii loo adeegsaday in Cristiano Ronaldo uu raacdo kulankii ay FC Girona guusha ka gaadhay Real Madrid.

Haddbada xidiga indhaha Guaridiola tusaya wixii uu doonayay ee Pablo Maffeo ayaa ka sheekeeyay aabihii, hooyadii iyo qoyskiisa oo dhami ay u ooyeen markii ay kooxdiisa FC Girona guusha taariikhiga ahayd ka gaadhay Real Madrid, wuxuuna sidoo kale ka hadlay qaabkii ay xaaladu ahayd.

Pablo Maffeo oo marka hore ka hadlaya sida ayna u rumaysnayn in ay guul ka gaadhi kareen kooxda Yurub ugu fiican ee Champions Leaque ku soo guulaysatay ee Madrid ayaa yidhi: “Bilawgii mid naga mid ahi muu rumaysnayn in aanu garaaci karnay kooxda Yurub ugu fiican, laakiin daqiiqadaha ayaa socday isla markaana waxaanu ogaanay in iyagu ay hal weerar oo rogaal celis deg deg ah oo kaliya ay anaga gool nooga dhaliyeen”.

Pablo Maffeo oo wargayska Marca u waramayay ayaa hadalkiisa sii raaciyay: ” Waxaanu haysanay fursado, iyagu wax raaxo ah may dareemin isla markaana ka hor qaybtii danbe waxaanu qolka labiska iskugu sheegnay in aanu ciyaarta si sahlan ugu guulaysan karno, anagu kamaanu hoosayn ama liidan iyaga, naftayada ayaanu aaminsanayn halkaas ayaanu ciyaarta dhinaca kale ugu dhignay”.

Intaa kadib Pablo Maffeo ayaa ka sheekeeyay qiiradii qoyskiisa kadib in kooxda uu amaahda kula joogo ee FC Girona ay ka soo kabsatay guuldaro 1-0 ahayd oo ay Madrid kala kulmaysay isla markaana ay 2-1 guul ku gaadheen wuxuuna yidhi: “Waxaan arkayay hooyaday, aabahay , saaxiibaday iyo dhamaan qoyskayga oo sharaf iyo qanacsanaan la ooyaya waxayna ahayd farxadii ugu waynayd”.’

Ugu danbayn Pablo Maffeo ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “In aad aragto sida uu ahaa Estadio Montilivi iyo sidii ay saaxiibadaydu qolka labiska ku ahaayeen, taasi waa inta aad shaqsi ahaan iyo koox ahaan u farxi karto”.

Comments

comments