Xidigii Hore Kooxda Man United Danny Higginbotham Oo Ka Warbixiyay Sida Uu Ka Aaminsan Yahay Inuu Noqon Doono Mustaqbalka Eden Hazard Ee Kooxda Chelsea.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Manchester United Danny Higginbotham ayaa sheegay in Chelsea aysan awoodi doonin inay heysto xidigeeda reer Belgian Eden Hazard haddii Real Madrid ama Barcelona isku dayaan inay la soo wareegaan.

Danny Higginbotham oo la hadlayay wargeyska “Express” ee dalka England ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto xaalad u adag  hadii ay dhacdo in kooxaha Real Madrid ama Barcelona midkood ay dalab kasoo gudbiyaan Eden Hazard si ay gacanta ugu dhigaan saxiixiisa, waxaana Chelsea ku adkaan doonta inay kusii heysato laacibkeeda garoonka Stamford Bridge”.

Xidigii hore kooxda Manchester United ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan horey u soo aragnay, sida ay ahayd xaalada Luis Suarez inta uu ku sugnaa kooxda Liverpool, sidoo kale Gareth Bale waayihiisii kooxda Tottenham, Cristiano Ronaldo oo muhiim u ahaa kooxda Manchester United, ugu dambeyna Philippe Coutinho oo isna ahaa xidiga koowaad ee Liverpool”.

Higginbotham ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Inta badan ciyaartoyda kubada cagta waxa ay ku riyoodaan u dhaqaaqista kooxda Real Madrid ama Barcelona, kadib marka ay dhacdo in uu dalab kaga yimaado labadan kooxood midkood,, waxaa adkaaneyso sida uu ku diidi lahaa”.