Xidigii Hore Arsenal Lee Dixon Oo Ka Warbixiyay Talooyin Dhowr Ah Uu Ka Helay Arsene Wenger, Taasoo Liverpool Ka Caawin Karta Kulanka Finalka Champions League

Halyayga kooxda Arsenal Lee Dixon ayaa shaaca ka qaaday inuu talo ka helay tababare Arsene Wenger, kaasoo laga yaabo inuu kaga faa’ideeyo kooxda Liverpool finalka Champions League ee xilli ciyaareedkaan.

Liverpool ayaa kaga hor imaan doonta dhigeeda Real Madrid 26-ka bishan May finalka tartankan Champions League, kaasoo lagu balansan yahay inuu ka dhaco magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

Iyadoo ay jirto in kulankan la wada sugayo ayuu Lee Dixon ee ah xidigii hore kooxda Arsenal wuxuu u sheegay wargeyska “Express” ee dalka England  wuxuu ku sheegay: “Ha muujinin dareenkaada, waxaad ka adkaan kartaa filashooyinkaada, Arsene Wenger ayaa sidaas ii sheegay hada kahor, marnaba waan illoobi doonaa hadalkaas”.

Lee Dixon ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waad ku qosli kartaa oo ku qosli kartaa arintan, laakiin ha u ogolaan hanaanka maskaxdaada in ay ka qeyb qaadato”.

54-jirkan ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Lverpool waxay dhaawaci kartaa Real Madrid kulanka finalka ee ka dhaci doono magaalada Kiev ee dalka Ukraine, waxaan qabaa in kulankaas ay buux dhaafin doonaan goolashada labada kooxood, lakiin waxa ay ku xirnaan doontaa kooxda si fiican u ciyaarta kulankan”.