Xidigii Diirada U Saarnaa Kooxaha Real Madrid, Man United Iyo Chelsea Ee Sergej Milinković-Savić Oo Go’aamiyay Mustaqbalkiisa Lazio.

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Serbia iyo kooxda Lazio ee Sergej Milinković-Savić ayaa niyad jab weyn ku riday kooxaha sida wayn u xiisaynayay adeegiisa inta lagu guda jiray suuqa xagaaga, kadib markii uu si cad u sheegay in xili ciyaareedka soo aadan uu sii joogi doono kooxdiisa Lazio.

Wararka ayaa waxay tilmaamiyaan in Lazio ay ogolaatay in ay hoos u dhigto dalabaadka dhaqaale ee ay ku dooneyso inay ku iibiso xidigeedan reer Serbia ee Sergej Milinković-Savić, kaasoo gaarsiisnaa aduun dhan 150 milyan euro. Laakiin waxay haatan diyaar u tahay in dalabka ay ka dhigto 120 milyan euro.

Sergej Milinković-Savić ayaa lala xidhiidhinayaa inuu u dhaqaaqi doono suuqan xagaaga kooxo badan ee ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee qaarada yurub sida Chelsea, Real Madrid, Manchester United iyo Juventus, halka taageerayaasha Lazio ay rajeynayaan in ciyaaryahanka uu sii joogi doono kooxda.

Laakiin Sergej Milinković-Savić ayaa maanta oo Talaado ah soo gaaray xarunta kooxdiisa Lazio si uu u maro baaritaano caafimaad kahor inta uusan bilaabin tababarka kooxda, waxaaa afaafka xarunta ku sugayay ilaa 50 taageerayaasha Lazio ah, kuwasoo ka dalbaday inuu sii joogo kooxda.

Hadaba Mid ka mid ah jamaahiirta kooxda Lazio ayaa su’aal uu la wadaagay xidiga kooxda Lazio ee Sergej Milinković-Savić wuxuu si deg deg ah  kaga helay jawaab celin kadib markii uu weydiiyay “Waxay ila tahay inaad halkan joogi doontid?”. Waxaana loogu jawaab celiyay “Dabcan ma arkaysid, run ahaantii halkan ayaan joogaa”.

Kooxda Lazio ayaa madaxa Sergej Milinković-Savić dul dhigtay lacag aad qaali u ah iyada oo ugu yaraan aqbali karta dalab gaadhaya 110 milyan euros taas oo ah sababta uu ilaa hadda ugu sii nagaaday kooxdiisa Lazio iyada oo kooxaha Real Madrid, Chelsea iyo Man United ayna dalab noocan oo kale ah u gudbin  karin Lazio.