Xidigii Ay Man United Isaga & Lacagta 45m Ah Iskugu dartay West Ham Si Ay Uga Hesho Saxiixa Issa Diop Oo La Magacaabay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxay xiisaha wayn ee ay kooxda Manchester United u hayso difaaca kooxda West Ham United ee Issa Diop waxaana kadib la ogaaday nooca dalabka ay Hammers u direen.

Sidii uu markii ugu horaysay warku ku soo baxay, maamulka Manchester United ayaa dalab 45 milyan gini ah iyo ciyaartoy aan markaas magiciisa la sheegin waxay u soo bandhigeen West ham si ay uga heelaan saxiixa Issa Diop.

Laakiin kooxda West Ham United ayaan ku daahin in ay markiiba soo diido dalabka Manchester United lacagta iyo ciyaartoyga iskugu soo dartay si ay u helaan adeega Issa Diop.

Haddaba kumuu ahaa ciyaartoygii ay maamulka Man United ku culaysiyeen dalabkii ay West Ham United kaga dalbadeen Issa Diop?

Wargayska The Sun ee dalka England ka soo baxa ayaa si khaas ah u ogaaday ciyaartoyga uu ahaa kii ay Man United raacisay dalabkii 45 ka milyan gini ahaa ee ay ku doonayeen difaaca dhexe ee Issa Diop.

Sida xogta uu The Sun helay lagu ogaaday, ciyaartoyga ay Manchester United u soo bandhigtay West Ham United ee lacagta la socday waxa uu noqday Phil Jones kaas oo la doonayay in uu West ham ku biiro.

Laakiin kooxda West ham ayaa Man United u sheegtay in Issa Diop aanu iib ahayn isla markaana waxay soo diideen dalabka iskugu jiray 45 ka milyan gini iyo Phil Jones.

Dhinaca kale jamaahiirta Manchester United ayaa sameeyay “petition” saxiix lagu dalbanayo in kooxdooda ay ku qasbaan in ay Old Trafford laga nadiifiyo saddexda ciyaartoy ee kala ah Chris Smalling, Ashley young iyo waliba Phil Jones oo ay West ham soo diiday.

Saddexdan xidig waxay baaqi ka sii yihiin ciyaartoydii uu Sir Alex Ferguson kaga baxay Manchester United iyada oo ilaa hadda ayna Man United United helin ciyaartoy si buuxda badalkooda u noqon kara.

Si kastaba ha ahaatee, in West Ham United ay soo diiday dalab iskguu jiray 45milyan iyo Phil Jones ayaa muujinaya sida ay Hammers u doonayaan in ay xidigan tayada fiican kooxdooda ku sii haystaan.