Xidigihii Isku Muujiyay,Kuwa Shaqo Badan U Baanhan Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Man United Ee Kulankii Inter Milan.

Manchester United ayaa waqti fiican ku qaadanaysa kulamada saaxiibtinimo ee ay xili ciyaareedka cusub iskugu diyaarinayaan waxayna guul kale ka gaadheen kooxda Inter Milan iyada oo da’yarka Mason Greenwood uu dhaliyay goolka kaliya ee ay kooxda Solskjaer guushan ku gaadhay.

Waqtigan oo kale waxa ugu muhiimsani ma aha guusha ay koox wayn gaadho balse waxaa tababarayaasha micno wayn u sameeya bandhiga ciyaartoyda iyo xidigaha ay tahay in ay xili ciyaareedka cusub si wayn ugu xisaabtami karaan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa wali jeclaysanaya bandhiga ciyaartoyda kooxdiisa laakiin ma aha in uu ciyaartoy kastaba bandhig fiican samaynayo balse waxaa jira xidigo si gaar ah u soo jiidanaya indhaha kooxda Man United.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Isniin Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qiimaynta ciyaartoyda Man United ee kulankii ay guusha ka gaadheen Inter Milan.

XIDIGII GAROONKA: Saxiixa cusub ee Aaron Wan-Bissaka ayaa halkiisa ka sii wata in uu farxad galiyo taageerayaasha kooxdiisa Man United kadib markii uu sameeyay bandhig kale oo soo jiidasho leh.

Xidiga 50 milyan gini laga soo bixiyay ee Wan-Bissaka ayaa u muuqday mid kalsooni iyo maamul ugu bilawday waayihiisa ciyaareed ee Man United wuxuuna bilawgii kulankii Inter uu sameeyay taakalo xoogan  waxaana loogu sacab tumay sidii gool la dhaliyay oo kale.

Waxa uu Wan-Bisaaka muujiyay sababtii ay maamulka Man United rekoodhkii suuqa kala iibsiga ee kooxdooda ay ugu jabiyeen heshiiska ay Old Trafford ku keeneen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Real Madrid Oo La Wareegeysa Neymar Iyo Paul Pogba Oo Sabab U Noqon Kara

Dhinaca kale da’yarka Mason Greenwood oo 17 sano jir ah ayaa Solskjer ku qasbaya in uu qorshihiisa xili ciyaareedka cusub ku darsado isaga oo qaybtii labaad ciyaarta soo galiyay isla markaana muujiyay waxa uu awooda u leeyahay.

Qiimaynta Ciyaartoyda Man United Oo Dhamaystiran:

Man United XI: David De Gea – 6, Victor Lindelof – 7, Axel Tuanzebe – 6, Luke Shaw – 7, Nemanja Matic – 6, Paul Pogba – 7, Phil Jones – 6, Sergio Romero- 6, Diogo Dalot (62 mins) – 6, Matteo Darmian – 6.

Badalkii:

Phil Jones (56 mins) – 6

Sergio Romero (62 mins) – 6

Diogo Dalot (62 mins) – 6

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Maxay Yihiin Sababaha Ay Liverpool Ugu Guulaysan Karto Koobka UEFA Super Cup Ee Ay Chelsea Ugu Garaaci Karto Kulanka Istanbul?

Matteo Darmian (62 mins) – 6

Eric Bailly (62 mins) – 6

Ashley Young (62 mins) – 6

Fred (62 mins) – 7

Scott McTominay (62 mins) – 6

Andreas Pereira (62 mins) – 6

Juan Mata (62 mins) – 6

Tahith Chong (62 mins) – 8

Mason Greenwood (62 mins) – 7

Kulamada Soo Socda Ee Ay Man United Dhawaan Ciyaari Doonto.

July 25: Tottenham – Hongkou Stadium, Shanghai, China

July 30: Kristiansund – Ullevaal Stadium, Oslo, Norway