Xidigihii Is Muujiyay, Kuwii Fashilmay Iyo Qiimayntii Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool Iyo Norwich City Ee Kulankii Anfield.

Liverpool ayaa guul wayn ugu bilaabtay xili ciyaareedka cusub ee Premier Leauge kadib markii ay 4-1 ku gumaaday kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Norwich City kuwaas oo bilaabasho aad u liidata kala soo muuqday Anfield.

Mohamed Salah oo labadii xili ciyaareed ee uu Liverpool joogay ku soo wada guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premeir league ayaa hadaba goolkiisii ugu horeeyay dhaliyay waxaana shabaqa soo wada taabtay Van Dijk iyo Origi.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Norwich City ee kulankii Anfield ay Reds guusha wayn ku gaadhay.

Xidigii Garoonka: Mohamed Salah ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu hal gool ka dhaliyay isla markaana uu gool caawin ka sameeyay 28 kii daqiiqo ee xili ciyaareedka cusub ugu horeeyay.

Mohamed Salah ayaa ugu yaraan laba gool ka dhalin karayay kulankan laakiin waxa uu muujiyay in uu wali sii ahaan karo xidigii labadii xili ciyaareed ee la soo dhaafay goolasha badan ka soo dhaliyay Premier League.

Waxa kale oo kulankan isku muujiyay Origi oo halkii uu xili ciyaareedkii la soo dhaafay kaga baxay gool dhalintiisa ka sii watay wuxuuna ahaa mid halis badan ku abuurayay difaaca Norwich City.

Roberto Firmino oo ku nasiib xumaa in aanu garoonka wax gool ah kala bixin ayaa sidoo kale bandhig wayn sameeyay waxaana xidigaha qiimaynta fiican helay ka mid ah Van Dijk oo shaqadiisii xili ciyaareedii hore iyo gool dhalinba sii watay.

Fabinho ayaan dab yar shidin isaga oo shaqo wayn kooxdiisa u qabtay mana jiro hal xidig oo Liverpool ka tirsan oo ku fashilmay kulankan halka qaar badan oo Norwich City ka tirsani ay niyadjab la baxeen.

Qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Norwich City:

LIVERPOOL XI: Alisson Becker 6, Alexander-Arnold 7, Van Dijk 8, Gomez 6, Robertson 7, Henderson 7, Wijnaldum 7, Fabinho 8, Mohamed Salah 8, Roberto Firmino 8, Divock Origi 8.

Badalkii: Adrian 6, Mane 6, Milner 5.

NORWICH XI: Tim Krul 7, Aarons 6, Godfrey 6, Hanley 5, Lewis 6, McLean 6, Trybull 6, Stiepermann 6, Cantwell 6, Buendia 7, Pukki 7.

Badalkii: Leitner 7, Hernandez 6, Drmic 5.