Xidigihii Is Muujiyay, Kuwii Bandhiga Liita Sameeyay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulankii Newcastle United.

Arsenal ayaa guul muhiim ah ku furatay xili ciyaareedka cusub ee Premier League kadib markii ay ka soo badbaadeen imtixaankii Newcastle United oo ay martiu ahaayeen kulankii Premier League ay ku furteen.

Aubameyang ayaa noqday xidiga xili hore oo xili ciyaareedkan ah kala asturay Unai Emery iyo taageerayaasha kooxdiisa Arsenal oo cadho wayn ka qaaday nooca shaxdii uu macalinka reer Spain ku soo shirtagay kulankii Newcastle United.

Aubameyang oo xili ciyaareedkii hore Mohamed Salah iyo Sadio Mane kula soo guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League ayaa kulankiisii ugu horeeyay bilawday tartanka gool dhalinta ee xili ciyaareedka cusub iyaga oo Mohamed Salah isku mid ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  Barcelona Oo Haatan Huradada Ka Kacday, Qorshaha Ay Real Madrid Kaga Joojinayso Neymar JR Oo Ay Dhigtay & Waxa Ka Cusub Dagaalka Ka Dhexeeya Labada Kooxood.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxda Arsenal ee kulankii Newcastle United iyada oo xidigaha qaar ay qiimayn liidata ku heleen qaab ciyaareedkii ay sameeyeen.

XIDIGII GAROONKA: Aubameyang oo dhaliyay goolka ay Arsenal guusha ku soo gaadhay ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa inkasta oo aanu soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Waxa kaleoo qiimayn fiican kulankan ka helay Ainsley Maitland-Niles oo caawinta goolka guusha ee Arsenal sameyeay isla markaana difaacasho fiican kulankan kooxdiisa guusha ugu adkeeyay.

Laakiin Granit Xhaka, iyo JoeWillock oo shaxda Emery ku soo wada bilawday ayaa qiimayn liidata ka helay ciyaartii Newcastle United.

Saxiixa cusub ee Nicolas Pepe oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa isna qiimayn hoose ku helay intii uu garoonka ku jiray si la mid ah Dani Ceballos.

SIDOO KALE AKHRISO:  Messi La'aan Barcelona Waa Xaflad La'aan, Isbedelkii Valverde Laga Doonayay Oo Musiibo Noqday & AFAR Qoddob Oo Laga Bartay Guuldarradii Barcelona Ee Xalay.

Qiimaynta Ciyaartoyda Arsenal ee Kulankii Newcastle United:

Arsenal XI: Bernd Leno 6, Ainsley Maitland-Niles 7, Calum Chambers 6, Sokratis 6, Nacho Monreal 6, Matteo Guendouzi 6, Granit Xhaka 5, Reiss Nelson 6, Henrikh Mkhitaryan 6, Joe Willock 5, Aubameyang 7.

Badalkii: Dani Ceballos 5 , Nicolas Pepe 5 , Gabriel Martinelli (N/A)

Badal Aan La Isticmaalin: Emiliano Martinez, David Luiz, Lucas Torreira, Alexandre Lacazette,