Xidigihii Fashilmay, Kuwii Ismuujiyay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Juventus & Ajax Ee Kulankii Ay Barbaraha Galeen.

Kooxaha Juventus iyo Ajax ayaa kulan aad u xiiso badnaa waxay ku galeen barbaro 1-1 ah iyada oo kulanka lugta labaad ee Turin uu noqon doono mid aad u adag oo ay labada kooxood ugu soo bixi karaan afar dhamaadka UEFA Champions League.

Cristiano Ronaldo oo dhaawac ka soo laabtay ayaa Juventus goolka furitaanka u keenay isla dhamaadkii qaybtii hore kadib markii ay Ajax awoodi wayday in ay fursado badan oo ay heshay goolal ku dhaliso laakiin kooxda Ajax ayaa ciyaarta si deg deg ah ugu soo laabtay markii qaybtii labaad lagu soo noqday.

Xidiga kooxda Ajax ee David Neres ayaa 30 ilbidhiqsi oo kaliya uga baahday qaybtii labaad ee ciyaarta si uu kooxdiisa Ajax ugu dhaliyo goolkii ay barbaraha ku keensadeen laakiin goolhaye Wojciech Szczesny ayay u ahayd habeen mashquul badan isaga oo Ajax fursado badan oo fiican ka beeniyay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Ajax iyo Juventus ee kulankii ay labada kooxood barbaraha ku galeen lugtii hore ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

Xidigii Garoonka: David Neres  oo ka tirsan Ajax ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa wuxuuna shaqo badan u qabtay kooxdiisa isaga oo waliba ahaa xidiga xaalada xun ka soo saaray ee goolka barbaraha u keenay wuxuuna sidoo kale qabtay shaqo fiican oo uu kooxdiisa ku caawiyay.

Waxa kale oo kulankan isku muujiyay De Ligt iyo Tagliafico oo Ajax difaaca uga ciyaara laakiin waxaa kulankan ku fashilmay xidigaha kooxda Juventus Pjanic iyo Mandzukic kuwaas oo helay qiimaynta ugu liidata ee kulankan.

Ciyaartoyda kooxda Ajax ayaa ah kuwa inta badan qiimaynta sare haysta kadib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiicnaa laakiin Juventus oo aan heerkeedii ugu fiicnaa ku ciyaarin ayaa awooday in ay natiijo fiican soo heshay.

Inkasta oo uu Cristiano Ronaldo dhaliyay goolkii ay Juventus sida wayn ugu xisaabtamayso, haddana maadaama oo uu dhaawac ka soo laabtay heerkiisii ugu fiicnaa kumuu ciyaarin wuxuuna inta badan kala mid ahaa ciyaartoyda kooxdiisa Juventus oo cadaadis badan kala kulmayay da’yarta Ajax.

Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Ajax Iyo Juventus:

Ajax: Onana (6), Veltman (7), De Ligt (8), Blind (7), Tagliafico (8), Schone (6), De Jong (6), Ziyech (7), Van den Beek (7), Neres (8), Tadic (7).

Badalkii: Ekkelenkamp (6).

Juventus: Szczesny (7), Cancelo (6), Bonucci (6), Rugani (6), Alex Sandro (6), Bentancur (7), Pjanic (5), Matuidi (6), Bernardeschi (6), Mandzukic (5), Ronaldo (6).

Badalkii: Douglas Costa (7), Dybala (6), Khedira (n/a).