Xidiga Xulka Qaranka Brazil Casemiro Oo U Rajeeyay Francisco Isco In Waqti Dheer Uu Sii Joogo Real Madrid, Kadib Guushii Ay Xalay Ka Gaaheen Malaga.

Khadka dhexe xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Casemiro ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Los Blancos ay dooneyso in ay guul gaadho dhamaan kulamada kaga harsan xili ciyaareedkan, kadib guushii ay 2-1 kaga gaadheen kooxda Malaga oo ay xalay marti ugu noqdeen garoonkooda.

Casemiro ayaa kulanka kadib la hadlay wargeyska “AS” ee dalka Spain: “Waan ogeen in halkan aan ku qaadan doono kulan aad u adag, waxaan u ciyaarnay si fiican, waxaana xakameynay ciyaarta, waxaana laga yaabaa inaan ku dhaweynay inaan shabaqa ilaashano, laakiin ugu dambeyn 3 dhibcood ayaa muhiim inoo ahayd”.

Khadka dhexe xulka qaranka Brazil ayaa hadalkiisa intaas kusii daray: “Marka aad haysato kulamada horyaalka, waa inaad dagaalantaa, sababtoo ah tani waxay kuu ogolaaneysaa  inaad si fiican u ciyaarto, waxaan rajeeneynaa inaan u dhawaano booska koowaad iyo kan labaad

Casemiro ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Mar walba wuxuu muhim ka ahaa Real Madrid, sababtoo ah wuxuu halkan ka sameeyay taariikh, waxaan rajeynayaa inuu halkan nagula sugnaan doono waqti dheer”.

Si kastaba Real Madrid ayaa guul ka soo gaadhay kooxda Malaga xili uu Zinedine Zidane nasiyay ciyaartoy kooxdiisa muhiim ka ah. Los Blancos ayaa 2-1 ku soo garaacday kooxda ay martida u ahayd ee Malaga iyada oo Francisco Isco uu gool ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Malaga halka Casemiro uu raacsaday goolka labaad.