Xidiga Kooxda Real Madrid Marcelo Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Ka Murugeysan Yahay Heshiiskii Uu Cristiano Ronaldo Ugu Biiray Kooxda Juventus.

Xiddiga kooxda Real Madrid Marcelo ayaa shaaca ka qaaday inuu ka murugeysan yahay bixitaanka Cristiano Ronaldo kadib markii uu ku biiray kooxda reer talyaani ee Juventus.

Cristiano Ronaldo oo 33 jir ah ayaa ugu dhaqaaqay kooxda kubada cagta ee Juventus aduun dhan 100 million euros, wuxuuna saxiixi doonaa heshiis gaarsiisan ilaa iyo 2022 isla markaana uu sanadkii ku qaadan doono aduun dhan 30 million euros.

Difaaca kooxda Real Madrid Marcelo ayaa kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee Instagram-ka fariin uu kaga hadlayay bixitaanka Cristiano Ronaldo wuxuun yiri: “Hatan Waa xiliga aan dhihi lahayn macsalaama, waxaan ku dhaaranayaa in aan marna aan sugeynin in maanta oo kale ay imaan doonto, laakiin nolosha ma ahan mid waligeed sii soconeysa, waxaan ku rajeenayaa inaad ku farxi doonto safarkaada cusub”.

Marcelo ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan ahaa ku dhawaad 10 sano garab kaaga, waxay ahayd 10 sano ee farxad ah, kubad fiican, guul, guuldarooyin iyo waqtiyo aad u wanaagsan, waxaan kaa bartay wax badan”.

“Waxaan kuu rajeenayaa guul adiga iyo qoyskaaga, Waxaan u xiisi doonaa tababarkeena kulamada kahor, iyo fikradeena ah inaan guuleysano waan ku faraxsanahay inaan kaa soo garab ciyaaray sababtoo ah waxaad tahay kan ugu fiican caduunka, sababtoo ah waxaad tahay qor cajiib ah”.

Difaaca kooxda Real Madrid Marcelo ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Marka aan joojiyo ciyaaraha waan fadhiisan doonaa oo waxaan ka sheekeynayaa sheekooyinka noloshii aan soo wada qaadanay, waxaan soo bandhig doonaa sawiradeena, si aan ugu faano aduunka oo dhan”.