Xidiga Kooxda Paris Saint-Germain Oo Si Qiiro Leh Kaga Hadlay Eedeymihii Uu La Kulmay Kadib Ka Qeyb Galkiisa Koobka Aduunka 2018 Ee Dalka Russia

Xidiga kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr  ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuusan dooneynin in kubada uu arko, kadib niyad jabkii uu ka qaaday in ay kasoo hareen koobka aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia.

Laacibka ugu qaalisan taariikhda kubada cagta aduunka ayaa sheegay maanata: “Ma xiiseenayo inaan dib dambe u daawado nooc kasta ee kubada cagta ah”.

Neymar Jr ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Laakiin murugadu weligeed ma sii jiri karto, Waxaan haystaa wiilkayga, qoyskeyga, asxaabteyda, mana doonayaan inay arkaan murugadeyda”

Si kastaba Neymar ayaa la kulmay dhaleeceeno xoogan tan iyo koobka aduunka 2018 taasoo ku aadan in si ula kac ah uu dhulka isugu xooro laakiin wuxuu kaga jawaab celiyay inuusan koobka u aadin Koobka Adduunka inuu sameeyo qaladaad balse uu kaga qeyb galay inuu guul ka gaaro kooxaha kasoo horjeeda.

Neymar ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in dhaleeceynta ay ahayd mid ka bad badis ah, Ma xukumin karo isla marka aan ciyaarayo, hadii aan awoodo taas, wax walba aad ayay u fududaan lahayeen”.

Si kastaba xulka qaranka Brazil oo shan jeer oo horey kusoo guuleestay koobka aduunka ayaa kaga haray kiisii lasoo dhaafay ee 2018 ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia, kadib markii ay guuldaro kala kulmeen wareega 8-da dhigooda Belgium.