Xidiga Kooxda Chelsea Olivier Giroud Oo Ka Warbixiyay Xulka Uu U Arko In Uu Ku Guuleysan Karo Koobka Aduunka Ee 2018.

Weeraryahanka kooxda Chelsea Olivier Giroud ayaa wuxuu ka hadlay koobka aduunka soo aadan ee 2018 ka dhici doono dalka Russia bisha soo aadan, iyo awooda uu xulkiisa qaranka France u yeelan karo ku guuleysiga koobka aduun sanadan.

Olivier Giroud ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu qalsooni xoogan ka muujinayo awooda xulkiisa France uu meel wanaagsan ku beegsan karo koobka aduunka ee 2018, wuxuuna sidoo kale xusay in France ay ku guuleysan karto koobka sanadan.

Giroud ayaa u sheegay saxaafada: “Waxaan qeyb ka nahay xulalka ku dagaalami doono ku guuleysiga koobka aduunka, waxaana soo bandhigi doonaa qaab ciyaareed aad u wanaagsan, si ka fiican heerkii aan kusoo bandhignay koobkii aduunka ee 2014”.

Weeraryahanka kooxda Chelsea ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Ujeedka xidhiidhka kubada cagta ee dalka France ayaa ah in aan gaarno wareega afar dhamaadka, laakiin in aad heerkaas gaadho waxay ka dhigan tahay in aad si xoogan ugu dhowdahay kulanka finalka, ujeedkana waa inaan aadnaa”.

France ayaa qeyb ka ah Group C iyadoo ay ku wehliyaan wadamada Australia, Peru iyo Danmark, halka xulka france ay la ciyaari doonaan kulankooda ugu horeeya dhigooda Australia 16-ka July.