Xidiga khadka Dhexe Kooxda Barcelona Ivan Rakitić Oo Qorsheenaya In Xagaaga Soo Aadan Uu U Dhaqaaqo Mid Ka Mid Ah Muruqweenayaasha Premier League-ga.

Xidiga khadka dhexe iyo xulka qaranka Croatia  Ivan Rakitić iyo kooxda Barcelona ayaa wuxuu si aad ah kaga fiirsanayaa inuu u dhaqaaqo horyaalka Premier League xagaaga soo aadan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror” ee dalka England ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ivan Rakitic ayaa isha ku haya fikrada uu ugu dhaqaaqi karo Manchester United xilli ciyaareedka soo aadan.

30-jirkan reer Croatia ayaa ka walwalsan qorshaha kooxda Barcelona ee suuqa soo socda, taasoo hadii ay dhacdo in Blugaran ay sameyso saxiixa xidig weyn ee khad dhexe ah ay suuragal noqon karto in uu saameyn ku yeesho booskiisa kooxda reer Catalonia xili ciyaareedka soo aadan.

Ciyaaryahankii hore kooxda Sevilla ayaa soo dhaweeyay fikradda ah inuu u dhaqaaqo garoonka Old Trafford si uu ula shaqeeyo tababare Jose Mourinho, gaar ahaan xili ay saraakiisha Unitedka diyaar la yihiin in ay siiyaan mushaar ka qaalisan kan uu ka qaato kooxda Barcelona.

Arintan ayaa waxay imaaneysaa xili uu laacibka khadka dhexe iyo xulka qaranka Croatia  Ivan Rakitić uu sanadii lasoo dhaafay u saxiixay kooxda Barcelona heshiis gaarsiisan ilaa iyo sanada 2021.