Xidig Horey U Soo Maray Manchester United Oo Qarka U Saaran In Uu Ku Biiro Kooxda Uu Hogaamiyo Pep Guardiola Ee Manchester City Suuqa Kala Iibsiga Ee Soo Aadan.

Manchester City ayaa ku dhow inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha kadib marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan, si ay kaga soo dajiyaan Etihad Stadium.

Wilfried Zaha ayaa ugu biiray kooxda Crystal Palace sanadkii 2015-ka aduun dhan 4 milyan euro, kadib markii uu kaga dhaqaaqay kooxda Manchester United, lakiin ciyaaryahanka ayaa isku muujiyay qaab ciyaareedkiisa wanaagsan kooxda reer London sanooyinkii lasoo dhaafay.

Wargeyska The Sun ee dalka England kasoo baxa ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Manchester City uu hogaaminayo macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ay isha ku hayaan isla markaana ay bartilmaameed ka dhiganayaan Wilfried Zaha xili ciyaareedka soo aadan, iyadoo loo fiirinayo in uu awood u leeyahay ka hoos ciyaarista Guardiola.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Guardiola uu Wilfred Zaha ka dhigi doono ciyaaryahan kale sida xidiga xulka qaranka Germany ee Leroy Sané.

Manchester City ayaa u soo bandhigtay kooxda Crystal Palace aduun dhan $ 50 million si ay u ansixiso ka tagista Wilfred Zaha ee kooxda reer London, sida ay ku warameyso jariidada Daily Mirror.

Waxaa xusid mudan in 25-sano jirka reer Ivory Coast ee Wilfred Zaha uu xilli ciyaareedkan kasoo muuqday kooxdiisa 25 kulan, wuxuu dhaliyay 7 gool wuxuuna sidoo kale sameeyay 4 gool caawinaad kale.

 

 

1 Comment

Comments are closed.