Xidhiidhka Kubada Cagta Spain Oo War Rasmi Ah Kasoo Saari Doono In Julen Lopetegui Inu Sii Aahaan Doono Leyliyaha Xulka Spain Koobka Aduunka 2018.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xidhiidhka kubada cagta dalka Spain uu ku fikirayo inuu ka ceydhiyo Julen Lopetegui shaqada tababarka ee xulka qaranka Spain kahor inta uusan ka bilaawan koobka aduunka ee 2018 khamiista bari dalka Russia.

Sababta xidhiidhka kubada cagta dalka Spain uu kaga fiirsanayo in uu shaqo ka ceyrin ku sameeyo Julen Lopetegui ayaa ah, kadib markii uu heshiis rasmi ah la gaaray kooxda Real Madrid si uu u leeliyo marka uu soo idlaado koobka aduunka ee 2018.

Sida ay shaaca ka qaadeen wargeeyada Madrid kasoo baxa waxaa shaki xoogan ku jira mustaqbalka Julen Lopetegui ee xulka qaranka Spain in uu leylin doono koobka aduunka ee bari ka furmi doono dalka Russia, maadaama ay lumiyeen kalsoonidii ay u hayeen macalinka reer Spain.

Khilaafka soo kala dhex galay xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain iyo Julen Lopetegui ayaa wuxuu ka bilaabmay, kadib markii ay Real Madrid si rasmi ah u shaacisay inay heshiis la gaartay Lopetegui si uu u maamulo Santiago Bernabéu xili ciyaareedka cusub ee bilaawanaya.

Wargeyska wuxuu intaa ku daray in madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain ee Luis Rubiales uu dareensan yahay in tani ay tahay qiyaano kaga timid dhanka Julen Lopetegui.

War sidaha reer Spain ee “Marca” ayaa soo xigtay hadalkii uu arintan ka yiri madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain ee Luis Rubiales: “Ma ahayn xiliga ku haboonaa si arintan looga hadlo, laakiin waxaan sameyn doonaa go’aanka saxda ah ee u wanaagsan xulka qarankeena, waxaana mas’uul ka noqon doonaa go’aankan”.

Wargeyska ayaa soo gabagabeeyay warbixintiisa in haddii Julen Lopetegui uu sii wado Koobka Adduunka xulka qaranka Spain ama uu baxo, ay soo idlaatay kalsoonidii dhex tiilay isaga iyo xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain.