Xidigii Hore Kooxda Real Madrid Álvaro Morata Oo Beeniyay Wararka Ku Aadan In Uusan Ku Qanacsaneen Jawiga Kooxda Chelsea.

Weeraryahanka kooxda Chelsea Alvaro Morata ayaa beeniyay wararka ku saabsan in dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay ay saaxaafada ay muran xoogan ka sameysay in xidiga ree Spain uu ka shalaaynayo dib ugu laabashada kooxda Real Madrid isla markaana uusan ku farax saneen sidoo kale nolosha uu haatan kaga sugan yahay magaalada London.

Waxaa soo baxay warar ku aadan in Alvaro Morata laga soo xiganayo inuusan ku qanacsanayn jawiga kooxda ree London ee Chelsea, laakiin xidiga ree Spain ayaa kahor kulanka Champions League ay caawa ku booqan doonaan Stadio Olimpico kooxda Roma.

Markale wargeysyada ayaa waxay soo xigteen hadaladii uu Alvaro Morata ku beeniyay hadaladii saacadooyin kahor muranka xoogan dhaliyay wuxuuna yidhi: “Waxaan u maleynayaa inuu jiro qalad ama si qalad wax loo tarjumeynin. Haddii ay Chelsea ay ii soo bandhigto qandaraas muddo Toban sano ah waan ogolaan lahaa oo qalinka ayaan ku duugi lahaa”

Alvaro Morata ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray isaga oo muujinayay sida uu ugu faraxsan yahay kooxdiisa Cheslea wuxuuna yidhi: “Waan ku faraxsanahay naadiga, aad ayaan ugu qanacsanahay magaalada London, haddii la ii ogolaan lahaa waxaan sii joogi lahaa in ka badan muddo dhan shan xilli ciyaareed”.

Morata ayaa  ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan doonayaa inaan dhaliyo goolal badan, si aan u sii joogo Chelsea muddo fog, hadii aysan sidaas dhicin waa hubaal inay lasoo saxiixaneyso dhaliye cusub, waan ku raaxeystaa jawiga magaalada London, sababtoo ah waa magaalo cajiib ah, kaliya dhibaatada jirta ayaa ah inaan ku gudi jirin waqtigeygii wanaagsanaa, farsamo iyo qaab jireed intaba, kadib dhaawacii aan la kulmay, laakiin waqti fiican ayaan ku soo laaban doonaa”.

Comments

comments