Xiddigii Hore Ee Kooxda Liverpool Ee John Barnes Oo Kooxdiisii Hore Ee Reds U Sheegay Labada Boos Ee Ay Tahay Inay Xoojin Ku Sameeyaan Gudaha Xilli Suuqan.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa talo ka siiyay kooxdiisii hore ee Reds labada boos ee ay tahay inay iska xoojiyaan gudaha xilli suuqan si ay u tartamaan xilli ciyaareedka soo socda, Liverpool waxa ay awoodeeda isugu gayn doontaa sidii ay Manchester City oo sanadkii hore awood ku qabsatay Premier League tartan ula gali lahayd.

Jurgen Klopp iyo ciyaartoydiisu waxay si weyn ugu raaxaysteen xilli ciyaareedkii hore gaar ahaan qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka iyagoo gaadhay Final-ka UEFA Champions League walow ay ugu dambayn guuldarro 3-1 ah kala kulmeen Real Madrid, Mohamed Salah oo xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ku qaadanayay kooxda ayaa dhaliyay 44 gool tartamada oo dhan halka daafaca Van Dijk oo ay lasoo saxiixdeen bishii January uu xasiliyay daafacii kooxda ee markii hore aan lugaha adag ku taagnayn.

Barnes ayaa u sheegay kooxdiisii hore inay lasoo saxiixdaan weeraryahan iyo daafac dhexe oo cusub isaga oo sheegay in Roberto Firmino oo haatan ah weeraryahanka dookha koowaad ee Klopp uusan ahayn lambar sagaal toos ah waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan wali filayaa inay u baahan yihiin daafac dhexe oo cusub walow uu Lovren horumar sameeyay taniyo imaatinkii Virgil Van Dijk”

“Waanan ogahay in Salah uu si cajiib ah u dhaliyay 44 gool laakiin wuu ku rafaadi doonaa inuu ku celiyo sidii xilli ciyaareedkii hore mana ahan weeraryahan toos ah, Waxaan filayaa in Liverpool u baahantahay gooldhaliye la garanayo, Sida iska cad Firmino ayaa halkaas ka ciyaraya laakiin isagu maaha Lambar 9 waxay u baahanyihiin lambar 9 si toos ah uga ciyaara halkaas oo dookhyo kala duwan siiya”

Waxa hubaal ah in tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaa sidii uu kooxdiisa uga adkayn lahaa meel kasta oo ay ka liidato isaga oo dhawaan kooxda kusoo daray Naby Keita iyo Fabinho oo labaduba kulankoodii ugu horeeyay saftay ciyaartii Chester ay 7-0 ku xaaqeen.

Ugu dambayn, Nabil Fekir oo imbadan lala xidhiidhinayay Liverpool ayaa sidoo kale noqon kara xiddig kale oo dhawaan soo gaadha Anfield iyadoo uu haatan xulkiisa France kula suganyahay dalka Ruushka si uu u guto waajibaadkiisa qaran isla markaana dalkiisa ugu matalo koobka aduunka oo ay haatan Semi Final ka gaadheen.