Xiddigii Hore Ee Kooxda Liverpool Ee Craig Bellamy Oo Tilmaamay Xiddig Ka Tirsan Kooxda Chelsea Oo Si Fiican U Dhammaystiri Lahaa Kooxdiisii Hore, Hazard, Kante Mise Jorginho?

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool iyo xulka Wales ee Craig Bellamy oo haatan door falanqeeye kaga shaqeeya kanaalka Sky Sports ayaa daaha ka qaaday xiddig wakhti xaadirkan ka tirsan kooxda Chelsea balse ah shaqsiga ugu haboon ee dhammaystiri lahaa kooxdiisii hore.

Dabcan Chelsea waxa ay Stamfor Bridge ku haysataa xiddigo badan oo heer sarre ah sida N’Golo Kante iyo Eden Hazard balse Craig Bellamy ayaa aaminsan in khadka dhexe ee Jorginho uu yahay shaqsiga ugu haboon ee dhammays ka dhigi kara safka Jurgen Klopp.

Liverpool-Jorginho

Jorginho ayaa suuqii xagaagii dhawaa Blues kaga yimid dhinaca Napoli heshiis ku hirgalay 57 Milyan waxaana uu tan iyo wakhtigaas saamayn balaadhan ku yeeshay kooxda Maurizio Sarri isaga oo kusoo bilawday dhammaan sideeda kulan ee laga ciyaaray PL kana dhigay kuwo aan wali dhinacoda dhulka la dhigin.

Haddaba, Craig Bellamy ayaa sheegay in kooxdiisii hore ay tahay mid xoogan gaar ahaan daafaca balse ay u baahan yihiin khad dhexe oo hal abuur leh sida Jorginho.

Bellamy ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waa kuwo in ku filan xoogan gaar ahaan in Van Dijk uu halkaa joogo ma filayo inay u baahan yihiin shaqsi ka fiican, Waxaan filayaa inay u baahan yihiin burburiye kaas oo sidoo kale leh hal abuur sababto ah waxa uu helayaa kubaddo badan”

“Jordan (Henderson) anigu taageere weyn ayaan u ahay xoojintiisa laakiin mararka qaar waxa uu u muuqdaa mid aad ugu fogaada waxa uu u baahan yahay inuu ka ciyaaro qaybta kale ee ay weeraryahanadu joogaan, Waxaan filayaa inuu aad u xiisaynayo inuu daafac raaco iyo inuu dhinacyada tago”

“Midka si toos ugu haboon waa Jorginho kaas oo Chelsea ka tirsan, Ciyaartoyga noocaas ah ee awooda inuu wax abuuro kaas oo sidoo kale ciyaartoyda (Kasoo horjeeda) kasaari karaya si uu ugu ogolaado in mid kamid ah daafacyadu uu hore ugu soo baxo”

Ugu dambayn, Liverpool ayaa suuqii xagaaga lasoo saxeexatay tiraba laba xiddig oo kala ah Naby Keita iyo Fabinho kuwaas oo ciyaara booska Jorginho walow aysan wali u sal dhigan qaabka uu xiddigan ree Talyaani ugu xasilay Bridge.