Xiddigihii Ajax Ugu Soo Bilawday Oo Dhan 50 Milyan, Ronaldo Oo Kaliya 100 Milyan – Juventus Oo Ku Ceebaysan Qiimaha Ay Joogeen Xiddigihii Ka Tirtiray Champions League Xalay.

Ajax ayaa xilli ciyaareedkan dhaaftay dhammaan waxyaabihii looga filayay inay ka sameeyaan Champions League iyaga oo haatan si lama filaan ah ugu sugan afar dhammaadka tartankan markii ugu horreysay tan iyo 1997.

Marka laga yimaado inay booska labaad kaga soo baxeen Group-koodii, Ajax ayaa wareega 16-ka goolal 3-5 celcelis ah ku reebtay difaacdayaashii tartanka ee Real Madrid waxaana ay markale isla wadadii Los Blancos mariyeen Cristiano Ronaldo iyo xulafadiisii kooxda Juventus.

Ronaldo ayaa furay bandhiga goolasha ee kulankan balse goolal ka kala yimid xiddigaha Donny van der Beek iyo Matthijs de Ligt ayaa kooxdan ree Holland ka caawiyay wareega afarta ugu dambeeya.

Ronaldo oo 34 sano jir ah ayaa wax badan kusoo muujiyay tartankan maadaama oo uu guud ahaan kusoo guuleystay shan jeer gaar ahaana saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Juve ayaa si ay uga baxdo abaarta CL kasoo haysatay ula soo saxexatay CR7 maadaama oo ay ugu dambaysay 1996 balse Ronaldo ayaan awoodin inuu midaas sameeyo kaligii wallow uu dadaal kasta bixiyay.

Haddaba, Bianconeri ayaa ku ceebaysan qiimaha 100 Milyan ah ee ay ka baxsheen Ronaldo waxaana ay xiddigaha ugu soo bilawday Ajax muujiyeen in lacagtu aysan waxkasta goynin.

Sheekada yaabka leh ayaa ah in dhammaan xiddigaha Ajax ugu soo bilawday kulanku ay ku salaysnaayeen kala badhka qiimaha uu Don ku joogo Bianconeri iyadoo tusaalaha ugu fiicani yahay in Frankie De Jong oo la odhan karo waa midka ugu wanaagsan kooxdaasi uu kaliya ku qiimaysan yahay HAL YUURO.

Halkan Ka Akhriso Qiimaha Xiddig Kasta Oo Ajax Kulankaas Ugu Soo Bilawday.

GK: Andre Onana – €150,000

RB: Joel Veltman – free (academy)

CB: Matthijs de Ligt – free (academy)

CB: Daley Blind – €16m

LB: Noussair Mazraoui – free (academy)

CDM: Lasse Schone – free

CDM: Frenkie de Jong – €1 (Hal euro)

RM: Hakim Ziyech €11m

CAM: Donny van de Beek – free (academy)

LM: David Neres – €12m

ST: Dusan Tadic – €11.5m

Isku Gayn €50.65m

Qiimahooda haatan ee suuqa €330m