Xiddigaha Xilli Ciyaareedkan Dunida Kasoo Yaabsaday Ee Alexander Arnold & Andrew Robertson Oo HAL Ciyaartoy Oo Tottenham Ah Si Weyn U Amaanay.

Xiddigaha labada daafac garab ee kooxda Tottenham ee Trent Alexander Arnold iyo Andrew Robertson ayaa weeraryahanka Tottenham ee Lucas Moura si isku mid ah ugu arka mid halis ku ah hammiga Champions League ee Liverpool ee caawa.

Iyadoo uu dhaawac ku maqnaa hoggaanka weerarka Tottenham ee Harry Kane ayuu Lucas kooxdiisa ka caawiyay gaadhista Final-kan waxaana uu saddexley kasoo dhaliyay Ajax oo qaybtii hore 2-0 ku hoggaaminaysay wareegii hore.

Kane ayay macquul tahay inuu kusoo bilawdo kulan caawa walow tababare Mauricio Pochettino uu shirkiisii jaraa’id ee kulanka ka horreeyay diiday inuu damaanad buuxda u qaado kusoo bilaabashada xiddigan.

Aan ku horraynee Arnold ayaa sheegay in Lucas Moura uu kamid yahay xiddigaha ugu fiican kooxdaas walow uu da’yarkani diiday inuu kusii talax tago qiimaynta shaqsiga ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  Khabiir Jamie Redknapp Oo Soo Xushay Shaxda Toddobaadkan Ugu Fiican Horyaalka Premier League - Miyay Kooxdaadu Wax Ciyaartoy Ah Ku Yeelatay?

TAA ayaa yidhi “[Lucas] Moura waxa uu ku jiraa halka ugu sarreya marka loo eegayo xiddigahooda ugu wanaagsan”

“Waanu garanaynaa sida uu u ciyaaro iyo sida ay Tottenham u ciyaarto ka koox ahaan, Anaga ma aha inaanu ciyaartoyda kala saarno, Ka koox ahaan waxay muujiyeen tayadooda”

Dhinaca kale Andrew Robertson ayaa si weyn u amaanay tayada Lucas Moura waxaana uu sheegay inay hore u wajaheen isla markaana ay isku dayi doonaan inay la tacaalaan.

“Lucas waxa uu ahaa geesigii kulankii Ajax, Isagu waa ciyaartoy cajiib ah oo leh tayooyin cajiib ah, Waanu kahor nimid isaga hada kahor wax kastaana waa inaanu isku dayno inaanu la tacaalno midaas”