Xiddigaha Manchester United Oo Markii Ugu Horreysay Cadho Galiyay Tababare Ole Gunnar Solskjaer & Sababta Uu Uga Xanaaqay Oo Banaanka La Keenay.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramaya inuu laba sababood uga cadhaysan yahay safka xiddigaha kooxdiisa kaddib markii uu guuldarradii ugu horeysay tan iyo markii uu United qabsaday uu la kulmay.

Man United ayuu culayska ugu weyni saarnaan doonaa marka ay bisha dambe booqato kooxda PSG kaddib markii ay kooxda ree France laba gool oo ay marti kusoo dhalisay oo aad u muhiim ah ka kala heshay xiddigaheeda Presnel Kimpembe iyo Kylian Mbappe.

Solskjaer ayaa mudada uu kooxda joogay aan wax cadho ah muujin isaga oo markasta amaan ugu qubaynayay xiddigahiisa balse waxa uu u muuqdaa mid ugu dambayn furka tuuray sida uu soo tabinayo wargeyska The Sun.

Wargeyska ayaa sheegaya in Solskjaer uu ka cadhooday in kooxdiisu aysan wax maamul ah ku samayn kulanka qaybtii dambe xilli ay PSG qabsatay kulanka isla markaana ay halista Red Devils ahayd mid kooban.

45 jirkan ayay labada sababood ee uu sida gaarka ah uga xanaaqay ay ahaayeen difaacasho xumada kooxdiisa ee goolkii furitaanka iyo kaadhadh jaalayaal ah oo aan loo baahnayn oo ay Paris ugu abuureen laadad xor ah.

Kaddib markii uu Angel Di Maria soo tuuray gees ka laad ayuu Nemanja Matic lumiyay xiddiga uu raacanayay oo ahaa Kimpembe kaas oo si fudud ku dhaliyay goolka furitaanka.

Markale Manchester ayaa ogolatay in Di Maria uu geeska kasoo dhiibo kubadda daqiiqadii 60-aad taas oo sababtay in si fudud uu daafacyada kooxda kubadda uga dhex helo Mbappe oo ciyaarta 0-2 ka dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Xaalada ayaa faraha ka baxday kaddib markii kaadh cas loo taagay Paul Pogba oo loolan adag la galay Dani Alves taas oo la micno ah inuusan ciyaari doonin lugta labaad ee  Parc des Princes.