Xiddiga Real Madrid Laga Nacay Ee Gareth Bale Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Uu Sii Joogayo Madrid & Kooxahii Sugayay Ee Chelsea Iyo Man United Oo War Helay.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale oo u muuqda mid lumiyay xiisihii ay u qabeen jamaahiirta kooxdaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa iyagoo ay war heleen kooxaha isha ku hayay saxeexiisa.

Bale ayaa Madrid lasoo joogay ilaa xagaagii 2013 waxaana uu kusoo guuleystay afar Champions League mudada shanta xilli ciyaareed ah ee uu kooxdaas soo joogay iyadoo wakhtigiisa kooxdu uusan ahayn mid markasta wacan isaga oo si joogto ah dhaawacyo usoo gaadhayeen.

Xilli ciyaareedkan, Bale ayaa ku dhibtoonaya inuu helo wakhti ciyaareed ku filan maadaama oo tababare Santiago Solari uu cajab galiyay da’yarka Vinicius Jr oo uu boos joogto ah siiyay.

Dhinaca kale Bale ayaa lagu soo warramayaa inuu mari karo ganaax 12 kulan ah kaddib markii uu qaab mamnuuc ka ah gudaha dalka Spain ugu dabaal dagay goolkii uu ka dhaliyay Atletico Madrid toddobaadkii hore.

Haddaba, Iyadoo ay sidaasi jirto ayuu wargeyska The Times sheegayaa in Bale aysan wax saamayn ah ku yeelan dhacdadaas ganaaxa loogu soo rogi karo iyo inuu boos waayayba isla markaana uu doonayo sii joogista kooxda.

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo si dhaw ula socday xaalada Bale dhawaanahan ayaa la filayaa inay xagaaga markale niyad jab kala kulmaan rabitaan kasta oo ay 29 jirkan ku doonayeen.

Heshiiska Bale ee haatan ayay wali ka hadheen saddex sano iyo badh si lamid ah isaga oo kalena madaxda kooxda ayaa ku faraxsan inay qorshayaashooda ku darsadaan xilli ciyaareedka soo socda.

Ugu dambayn, Madrid ayaa suuqa xagaaga doonaysa inay maal gelin weyn samayso waxaana bar-tilmaameedyadeeda ugu culus ay yihiin Eden Hazard oo Chelsea ka tirsan iyo xiddiga Tottenham ee Christian Eriksen.