Xiddiga Mustaqbalkiisu Cirka Ku Shareeran Yahay Ee Aaron Ramsey Oo Go’aanka Kama Dambaysta Ah Ee Mustaqbalkiisa Arsenal Shaaciyay.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey oo uu muran wayni ku hareeraysnaa mustaqbalkiisa kooxda mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa ugu dambayn shakiga ka saaray mustaqbalkiisa kooxda iyo waxa uu damacsan yahay mustaqbalka dhaw.

Ramsey ayaa la filayay inuu heshiis wakhti fog ah qalinka ugu duugo kooxdiisa Arsenal balse ma dhicin waxaana haatanba saxeexiisa saf ugu jira kooxo waaweyn oo ay ugu horreeyaan Manchester United, Liverpool iyo Juventus.

Haddaba, Ramsey ayaa sheegay inuusan kooxdiisa ka bixi doonin suuqa bisha January waxaana uu u sababeeyay maadaama oo uu xilli ciyaareedkan wax weyn ka filayo kooxda isla markaana uu rajaynayo inay heer kale gaadho.

Waxaana uu yidhi “Miyaan joogi doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedka? Dabcan haa, Waxaan qandaraas kula jiraa Arsenal, Waxaanan samaynayaa waxayga ugu fiican xilli ciyaareedkan si aan iskugu dayo oo aan u gaadho wax khaas ah”

“Waxkasta si fiican ayay ugu socdeen kooxda waxaan u malaynaynay inaan joogno boos aanu isku raacnay qandaraas laakiin taasi ma ahan xaalada”

“Sidaa darteed kaliya waa inaan sii wado ciyaarista oo aan waxa ugu fiican u sameeyo Arsenal xilli ciyaareedkan waxaanan inta dhiman u dhaafi doonaa kooxda wakhti xaadirkan”

Tababaraha xulka Wales ee Ryan Giggs ayaa dhawaan sheegay in Ramsey oo uu ku maamulo xulkaasi uu yahay mid aan ku dhib qabin haddii uu Emirates ka baxo isagoo koox kale oo weyn u dheeli doona.