Xiddiga Kooxda Liverpool Ee Sadio Mane Oo Si Cad Uga Jawaabay Wararkii Xanta Ahaa Ee La Xidhiidhinayay Kooxda Real Madrid Xilli Warar Hore Ay Sheegeen Inuu Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadhay.

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa jawaab toos ah oo cad ka bixiyay wararka la xidhiidhinaya kooxda ree Spain ee Real Madrid xilli warar hore usoo baxay ay sheegeen inuu xiddigu heshiis shaqsi ah la gaadhay kooxdaasi kaddib kulankii Final-ka UEFA Champions League ee ay labada dhinac kulmeen.

Sadio Mane waxa uu labadii xilli ciyaareed ee u dambeeyay ku qaatay gegida Anfield kaddib markii uu kaga soo biiray dhinaca kooxda Southampton isagoo mudadaasi kooxda Klopp u dhaliyay 33 Gool, Sidoo kale Mane waxa uu kamid ahaa kooxdii xulka Senegal u matalaysay tartanka koobka aduunka isagoo ku guuldaraystay inuu xulkiisa kasoo saaro wareega Group-yada.

Haddaba Sadio ayaa meel saaray wararkaasi isaga oo sheegay inay wararkaasi kaliya yihiin kuwo xan ah isagoo dhinaca kale sheegay inuu diirada saari doono kooxdiisa Liverpool waxaana uu xiddigu hadalkiisa ku bilaabay “Kuwani kaliya waa warar xan ah, Anigu waxba kama warqabo oo laylama soo xidhiidhin waxaan baaqi kusii ahaanaya inaan ahay ciyaartoy Liverpool ah waxaanan ciyaartoyda aanu koox wadaaga nahay kula biiri doona safarka kulamada isku diyaarinta xili ciyaareedka ee Maraykanka, Real waa koox wayn laakiin waxaan diirada saari doonaa kooxdayda Liverpool”

Real Madrid oo qudheedu maalmahan ku jirta xaalada qalalaase oo dhinaca suuqa ah maadaama oo hoggaamiyaha kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo uu kusii dhawaanayo u dhaqaaqista kooxda Juventus ee horyaalka Talyaaniga, Haddii uu heshiiskaasi dhaco Liverpool ayaa dagaal buuxa u gali doonta sidii ay u difaacan lahayd xiddigaheeda gaar ahaan Sadio Mane & Mohamed Salah oo dhawaan heshiis cusub saxeexay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa la filayaa inuusan ogolaan doonin in xiddig muhiim ahi ka baxo kooxdiisa isagoo isku diyaarinaya xilli ciyaareed weyn oo uu ugu tartami doono horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League ee qaarada Yurub kaas oo ay Final ka gaadheen xilli ciyaareedkii hore