Xiddiga Barcelona Ee Philippe Coutinho Oo Markii Ugu Horeysay Kusoo Laaban Doona Garoonka Kooxdiisii Hore Ee Liverpool Lix Bilood Kadib Markii Uu Ka Tagay.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool haatana u ciyaara kooxda Barcelona ee Philipe Coutinho ayaa markii ugu horaysay dib usoo caga dhigan kara garoonka kooxdiisii hore ee Anfield Road si uu uga qayb qaato kulan uu xulkiisa Brazil la ciyaari doono Croatia.

Xulka qaranka Brazil ayaa shaaciyay in ay kulan saaxiibtinmo la ciyaari doonaan xulka Croatia 3 june kulan ka tirsan kulamada iskululaynta ee ka horeeya koobka aduunka taasoo fursad fiican u noqon karta Coutinho oo heli doona fursad uu ku macasalaameeyo taagerayaashiisii hore ee Liverpool oo uu mudo shan sano ah soo gashanaa maaliyadooda.

Philippe Coutinho ayaa ugu dambayn rumeeyay riyaadiisii ahayd inuu maruun u ciyaaro Barcelona iasgoo Blaugrana ugu wareegay lacago dhan 145 milyan kadib wada xaajoodjo lagu daalay oo dhex maray labada dhinac ee Liverpool iyo Barcelona.

Kadib kulankaasi xulka lagu naanayso Samba ayaa booqan doona magaalada Vienna si ay markale u wajahaan xulka Australia, Brazil ayaa la group noqon doonta xulalka Switzerland, Costa Rica & Serbia tartanka koobka aduunka.