Xiddiga Ay Ku Raad Joogto Arsenal Ee Samuel Umtiti Oo Kashifay Kooxda Uu Ku Biirayo Haduu Ka Baxayo Barcelona.

Daafaca Barcelona Samuel Umtiti ayaa ka dhawaajiyay kooxda uu jecel yahay inuu dib ugu laabto mustaqbalka hadiiba uu ka tagaayo kooxdiisa haatan, wuxuuna dilay rajo walba oo ay ka laheyd kooxda waqooyiga London ka dhisan adeegiisa.

26-jirkaan ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa kooxda Arsenal, waxeyna ilaa iyo hadda ku tala jiraan iney ku xaliyaan dhibaatada daafaca ee heysata, walow qudhiisa uusan joogto ka aheyn kooxda ka dhisan garoonka Camp Nou.

Samuel Umtiti isagoo la hadlaayay wargeyska SPORT ee kasoo baxa gobolka Catalonia wuxuu dilay rajada Gunners, wuxuuna muujiyay jaceylka uu u qabo kooxdiisii hore Lyon.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan tababaro, waxaan tilmaamo ka qaatay macalimiinta aan la shaqeeyay, hanaankooda tababarka iyo waxa ay qabtaan”

Advertisements

“Inaan ku laabto Lyon waa suuragal, ciyaartoy ahaan iyo tababare ahaanba”

Xiddigaan wuxuu ku sugnaa Lyon muddo shan sanadood ah intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2016 ka hor inta uusan Balaugrana ugu soo wareegin adduun dhan 24.6 Malyan oo Pound.

Wuxuu saaxiib fiican la yahay Alexandre Lacazette oo ka tirsan Arsenal, balse ma muuqato sabab uu xiddigaan ugu soo jiidi karo waqooyiga London.

Advertisements