Xiddiga Aadka Loola Xidhiidhinayo Kooxda Arsenal Ee Lucas Torreira Oo Sheegay Inuusan Xiddigaha Xulkiisa Raaci Doonin Marka Ay Ku Laabanayaan Uruguay Si Uu Tijaabada Caafimaadka Ugu Maro Gunners?

Xiddiga khadka dhexe ee xulka Uruguay iyo kooxda Sampdoria ee Lucas Torreira ayaa shakiga ka saaray wararkii la xidhiidhinayay kooxda Arsenal isaga oo si cadaan ah u sheegay inuusan xiddigaha xulkiisa u matalayay koobka aduunka u raaci doonin safarka ay dib ugu laabanayaan dalkooda taa badalkeedana uu aadi doono magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Arsenal.

Arsenal waxay heshiiska Lucas Torreira kooxda Sampdoria kala heshiisay tartanka koobka aduunka kahor laakiin xiddiga ayaa dib u dhigay inuu dhammaystiro heshiiskaas isaga oo sheegay inuu kaliya diirada saarayo sidii uu xulkiisa meel fiican u gaadhsiin lahaa.

22 Jirkan ayaa qirtay inuu haatan isku diyaarinayo sidii uu u aadi lahaa magaalada London isagoo sheegay inuu jeclaa ku laabashada dalkiisa balse uu fursad qaali ah haysto oo uusan doonayn inuu lumiyo wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Aad ayaan u farxi lahaa haddii aan awoodo inaan xiddigaha aan isku xulka nahay kula laabto Uruguay, Laakiin tani waa fursad cajiib ah mana doonayo inaan khasaariyo”

Lucas Torreira waxa uu Uruguay aadi doona kaddib marka uu dhammaystiro heshiiska shanta sano ah ee la filayo inuu qalinka ugu duugi doono kooxda ree England isaga oo dalkiisa u aadi doona si uu uga qayb galo soo dhawaynta ay dadka ree Uruguay u samayn doonaan xiddigahooda oo wareega 8-da gaadhay markii labaad tan iyo sanadkii 19970.

Warkan kasoo yeedhay Lucas ayaa ah mid u fiican dhagaha taageerayasha Arsenal oo iyagu filanaya in kooxdoodu ay horumar samayn doonto xili ciyaareedka soo socda kaddib markii ay kooxdu xaalad dib u socod ah gashay sanadihii ugu dambeeyay, Torriera ayaana la filayaa inuu qayb ka noqdo nolosha cusub ee uu tababare Unai Emery ka bilaabi doono Emirates Stadium.