Xiddig Liverpool Ka Tirsan Oo Isku Dayay Inuu Xiddiga Chelsea Callum Hudson-Odoi Ku Qalqaaliyo Inuu Ku Biiro Liverpool

Weeraryahanka Liverpool Rhian Brewster ayaa isku dayay inuu xiddiga Chelsea Callum Hudson-Odoi ku soo jiido kooxda Liverpool.

Hudson-Odoi ayaa wadahadalo qandaraas kordhin ah kula jiray kooxda Chelsea muddo bilooyin ah iyadoo kooxda ay si weyn ugu baahan tahay inuu 18 jirkaan saxiixo qandaraas muddo dheer ah.

Bayern Munich ayaa isku dayday inay la saxiixato xiddiga garabka ka ciyaara bishii Janaayo iyagoo u soo bandhigay qandaraas uu isbuucii ku qaadanayo 100 kun ginni kaasoo la fahamsan yahay inuu weli miiska saaran yahay.

Hudson-Odoi ayaa dhaawac halis ah uu soo gaaray bishii April isagoo tababare qaadanaya, waxaana uu galayaa 10kii bilood ee ugu danbeysay qandaraaskiisa haatan.

Xiddiga Ingariiska ayaa waxa ay isla soo baxeen xiddiga Liverpool Brewster.

Brewster ayaana isku dayay inuu ku qalqaaliyo Hudson Odoi inuu kula soo biiro kooxda Liverpool isagoo ka qeyb qaatay wada sheekeysi Twitter ku dhexmaray Hudson-Odoi iyo xiddiga kale ee Chelsea Trevor Chalobah.

Hudson-Odoi ayaa muuqaal uu kubad farsameynayo soo dhigay barta bulshada ee Twitter isagoo xiran maaliyada Chelsea, Chalobah ayaa u jawaabay una qoray: “Saxiix”

Jawaabtaas waxaa jeclaaday dhowr kun oo taageerayaasha Chelsea laakiin labo maalmood ka dib waxaa jawaab ku darsaday Brewster.

“Liverpool u saxiix” ayuu yiri Brewster isagoo raaciyay labo waji qosol ah.

Taageerayaasha Liverpool ayaa ku farxay soo jeedinta Brewster laakiin ma jiro xiriir u dhaxeeya kooxda Merseyside iyo Hudson-Odoi.

Xiddiga Chelsea ayaase la hadlay saaxiibkiisa kale England iyo kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho kaasoo uga sheekeeyay nolosha Jarmalka.

“Waa xiddiga xiga ee soo bixi doona” ayuu Sancho ka yiri saaxiibkiis bishii Janaayo.

“Tayo aad u fiican ayuu leeyahay, wuu orod badan yahay, farsamo gambis ayuu leeyahay. Waan u sheegay in Bundesliga uu yahay horyaal aad u fiican. Waxaan u sheegay inuu sameeyo wixii isaga u fiican.”