Xiddig Lagu Ilaaway Kursiga Keydka Ee Liverpool Oo Si Layaab Leh Loogu Sheegay Inuu Ku Biiro Kooxda Manchester City Oo Uu Ku Haboon Yahay.

Khabiirka kubadda cagta England ee Danny Mills ayaa soo jeedin layaab leh siiyay khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Adam Lallana isaga oo u sheegay inuu ku haboon yahay kooxda Manchester City.

Wargeyska Express Sport ayaa fahamsan in Lallana oo 31 sano jir ahi uu ka cabsi qabo inuusan wax mustaqbal ah ku lahay Liverpool kooxda ugu cad cad ee uu ku biiri karo ayaana ah kooxdiisii carruurnimo ee Southampton.

Adam Lallana ayaa xubin muhiim ah kasoo ahaa shaxda Jurgen Klopp wakhtigii ugu horreeyay ee tababaraha ree Germany balse waxa uu dhibane u noqay dhaawacyo si xun u saameeyay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Mills ayaa sheegay in Liverpool ay wali doonayso inay sii haysato Lallana balse haddii uu isagu doonayo inuu dib usoo dhiso waayihiisa ciyaareed ay tahay inuu ku biiro Man City oo uu la midoobo Pep Guardiola.

Danny Mills ayaa yidhi “Idinku ku dhawaad waad ilawdeen isaga laakiin isagu waa mid aad u hibo badan, Anigu waxaan ugu dhawaan odhan karaa waxa uu in badan ku haboon yahay qaabka Man City, Iyaga ayuu ku haboonaan lahaa ee orodkiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa gaaban iyo orodka caqli badnaanta ah ee xaga dambe”

“Marka aad bilawdo inaad weynaato waxaad oganaysaa in aanad ahayn mid aan la garaaci karin oo uusan waayahaagu soconayn abid”

“Liverpool sida iska cad waxay dooni doontaa inay isaga sii haysato laakiin waxa laga yaabaa inay iskugu soo ururto isaga oo doonaya inuu dib usoo shido waayihiisa”

“Haddii ay arintu sidaas noqoto, Isagu wuu tagaya, Isagu waa ciyaartoy sidaas u wanaagsan mana noqon doono mid kooxaha xiisaynaya ay yaraadaan”