Xiddig Booskiisa Shaxda Jurgen Klopp Dhacsaday Oo Qarka U Saaran Heshiis Kordhin & Ciyaartoyga Kale Ee Liverpool Ka Tirsan Ee Ay Naxdinta Ku Tahay.

Kooxda ka yagleelan gobolka Merseyside ee Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay qarka u saarantahay kordhinta qandaraaska uu kooxda ku joogo daafaceeda Joel Matip kaddib bandhigyo wacan oo uu soo sameeyay.

Matip ayaa ayaa qaab xor ah Liverpool ugu soo wareegay sanadkii 2016 waxaana uu wakhtigaas heshiis caadiyan afar sano ah la gaadhay kooxda iyadoo qandaraaskaasi uu ku eeg-yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Image result for Joel Matip

Sida uu haatan sheegay wariyaha aadka ugu faro dhuudhuuban wararka Liverpool ee James Pearce, Heshiiskii ay Reds ka saxeexdeen daafacan ree Cameroon 2016-kii ayuu ku jiray qoddob ay haatan dhaqan geliyeen oo ah in qandaraaskiisa ay kooxdu sanad ku dari karto haday u baahato.

Pearce ayaa sheegaya in qandaraaska daafacan oo hore ugu ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkani uu haatan gaadhsiisnaan doono iaal 2021.

Faa’ido kasta dhibaatadeeda lehe qandaraas kordhinta Matip ayaa caqabad ku noqon karta Joe Gomez oo ah ciyaartoyga ay loolanka ugu badan ugu jiraan booska daafaca dhexe ee kooxda.

Kahor bilawgii xilli ciyaareedka, Waxa uu shaki ku jiray midka uu tababare Jurgen Klopp daafaca kooxdiisa kula lamaanaysiin doono Virgil Van Dijk haddii uu noqonayo Gomez iyo haddii uu Matip soo galayaba.

Gomez ayaa kusoo bilawday kulankii Community Shield-ka ee Manchester City iyo waliba ciyaartii furitaanka horyaalka ee Norwich City balse tan iyo kulankaas ayaa lagala wareegay booska shaxda kooxda.

Matip ayaa ahaa xiddiga kusoo bilaabanayay daafaca dhexe ee kooxda tan iyo kulankii labaad ee horyaalka isaga oo gool kasoo diiwaan-gashaday kulankii ay Arsenal 3-1 kaga adkaadeen.