Xiddig Ay Saxeexiisa Ku Tartamayaan Barcelona, Atletico, Liverpool, Man City Iyo Juventus, Booska Uu Ka Ciyaaro & Qiimaha Waalida Ah Ee Lagu Heli Karo.

Da’yarka kooxda Valencia ee Ferran Torres ayaa u muuqda mid loolan adag oo dhinaca suuqa ah ka dhex abuuray inta badan kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub kaddib bandhig heer kale ah oo uu xilli ciyaareedkan ku muujinayo kooxdiisa.

Sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, Iyadoo ay saxeexiisa hore u doonayeen kooxaha kala ah Barcelona, Juventus, Liverpool iyo Manchester City ayay haatan tartanka soo gashay Atletico Madrid.

Walow uu kaliya 20 sano jir yahay, Lacagta heshiiskiisa lagu bur-burin karo ayaa ah mid 100 Milyan oo euro ah inkasta oo Valencia lagu qasbi karo inay qiimahaas hoos uga soo degto sababtoo ah in heshiiskiisu uu dhacayo June 2021.

Xiddigan qaybta ka ah xulka Spain ee da’doodu ka hooseyso 21 sano jirada ayay shabakadda Transfermarkt ee caanka ku ah arrimaha suuqa kala iibsigu ku qiimaysaa 50 Milyan oo euro qiimahiisa saxda ah ee uu suuqa ka joogo.

Ferran Torres ayaa ah da’yar boos ahaan ka ciyaara garabka midig waxaana uu xilli ciyaareedkan kooxda ku ciyaarta Mastella Stadium usoo dhaliyay lix gool halka uu toddoba kale caawiye ka ahaa.

Shanta kooxood ee kala ah Juventus, Barcelona, Liverpool, Man City iyo Atletico Madrid ayaa la filayaa inay suuqa xagaaga tartan adag u galaan soo xero-galinta Ferran iyagoo haddiiba ay Valencia ku gacan adaygto qaab xor ah ku sugi doona dhammaadka xilli ciyaareedka dambe ee 2020-21.