Xherdan Shaqiri Oo Anfield Laga Diri Karo Iyo Klopp Oo Doonaya Mucjisada Reer Nigeria Ee Samuel Chukwueze.

Kooxda Liverpool ayaan xagaagan la filayn in ay waqti badan ku bixin doonto suuqa kala iibsiga balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xherdan Shaqiri uu ka mid yahay ciyaartoyda la iibin doono.

Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu la soo saxiixdo da’yarka kooxda Villarreal iyo xulka qaranka Nigeria ee Samuel Chukwueze kaas oo leh astaamaha ciyaartoyda uu Klopp jecel yahay in uu la shaqeeyo.

Xagaagii la soo dhaafay Liverpool ayaa qiimo aad u hooseeya ku heshay Shaqiri kadib markii ay 13 milyan gini oo kaliya kaga soo qaateen kooxda heerka labaad u dhacday ee Stoke City.

Shaqiri ayaa xili ciyaareedkan saamayn fiican ku soo yeeshay kooxda Jurgen Klopp isaga oo waqtiyo muhiim ah Anfield ku soo qaatay balse xiliyadii danbe Klopp ayaa hoos u dhigay saamayntii Shaqiri.

Wargayska Metro ayaa qoray in ay suurtogal tahay in Klopp uu xagaagan iibiyo Shaqiri si uu lacag ugu helo da’yarka kooxda Villarreal ee Samuel Chukwueze kaas noqon kara mid xoojin wayn oo uu Klopp heli karo.

Samuel Chukwueze waa 20 sano jir si layaableh uga ciyaari kara labada garab ee weerarka wuxuuna xataa badal u noqon karaa Mohamed Salah iyo Sadio Mane markaasta oo uu Klopp u baahdo haddii uu saxiixiisa ku guulaysto.

Shaqiri ayaa in badan oo xili ciyaareedkan ka mid ah waxa uu Klopp u adeegsanayay khadka dhexe ama garabka weerarka midig laakiin haddii uu helo Samuel Chukwueze waxaa la filayaa in uu doorashooyin badan u xalin karo.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in agaasimaha kooxda Liverpool ee Michael Edwards uu lacag faa’iido ah ka samayn doono iibka Shaqiri oo 27 sano jir ah iyada oo Reds dhegaysan doonta dalabka lagu doonayo xidiag reer Switzerland.

Shaqiri oo kaliya ma aha xidigaha uu Jurgen Klopp ka diri karo Anfield balse da’yarka Harry Wilson oo amaah guulaysatay ku qaadanaya kooxda Derby County ayaa isna ka mid ah ciyaartoyda miiska u saaran Klopp.

Harry Wilson ayay doonayaan saddex kooxood oo Premier league ahi waxaana lagu qiimaynayaa inta u dhexaysa 20-25 milyan gini laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in Klopp uu Harry Wilson siin doono fursad uu isku muujiyo kulamada saaxiibtinimo.

In Klopp uu badalka Shaqiri u bartilmaameedsanayo Samuel Chukwueze ayaa muujinaysa sida uu u doonayo nooca ciyaartoy kaas ah oo hanaankiisa ciyaareed la jaan qaadi kara.

Halkan ka daawo waxyaabaha uu khaaska la yahay bartilmaameedka Liverpool ee Samuel Chukwueze

Si kastaba ha ahaatee, da’yarka xulka Nigeria iyo kooxda Villareal ee Samuel Chukwueze ayaa horumar deg deg ah ku talaabsanaya iyada oo bishii November ee la soo dhaafay looga yeedhay xulka qarankiisa Nigeria ee seniorka.