XEELAD: Chelsea Oo Bixinaysa Dhamaan Lacagta Ay Juventus Kula Soo Wareegtay Cristiano Ronaldo Iyo Blues Oo La Wareegaysa Gonzalo Higuian & Xidig Kale Oo Juventus Ka Tirsan.

Maamulka kooxda Juventus ayaa guul wayn ka soo hooyay hamigoodii ahaa in ay Cristiano Ronaldo ka soo dajiyaan Turin kaas oo hadda si rasmi ah u noqday ciyaartoy Old Lady ah, laakiin qorsaha labaad ee maamulka Juventus ayaa ah in ayna iyagu bixin dhamaan lacagta ay Ronaldo kula soo wareegeen waxayna doonayaan in kooxda Chelsea ay lacagtan bixiso sida ay u dhan tahay.

Chelsea ayaa doonaysa saxiixyada Gonzalo Higuain iyo Daniele Rugani waana labada xidig ee qiimo ahaan u dhigmi doona Cristiano Ronaldo lacagta uu ku soo gaadhay Turin taas oo xeelad iyo farsamo wayn u noqonaysa maamulka Juventus.

Imaatinka Cristaino Ronaldo ee Juventus waxa uu soo gaba gabayeeyay waayihii koobnaa ee uu Gonzalo Higuain ka soo ciyaaray kooxda Old Lady wuxuuna hadda ka mid yahay ciyaartoyda ka baxaysa Turin iyada oo Chelsea ay tahay kooxda sida wayn u doonaysa in ay xidiga ree Argentina safka kooxdeeda ku soo xooiso.

Juventus ayaa Higuain kula soo wareegtay 90 milya euros laakiin waxay maamulka Juventus qorshaysteen in ay sidoo kale Chelsea u ogolaadaan saxiixa Daniele Rugani oo ay isna Blues doonayso isla markaana ay saxiixyada Higuain iyo Daniele Rugani ka bixiyaan 100 milyan eruos taas oo meel dhigaysa dhamaan lacagtii ay Juve kula soo wareegtay Ronaldo.

Arbacada barri ayaa la filayaa in ay noqon doonto maalintii ugu danbaysay ee ay Chelsea ku dhawaaqi doonto saxiixa macalinkii hore ee kooxda Napoli ee Maurizio Sarri kaas oo doonaya in Higuain uu kula midoobo Stamford Bridge.

Chelsea ayaa doonaysa in marka uu Sarri kooxdeeda la wareegay in ay saxiixyada ugu horeeya uga dhigto Higuain iyo difaaca dhexe ee Rugani taas oo Juventus si laayableh uga caawinaysa in lacagta Cristiano Ronaldo ayna lacagta kooxdeeda ka bixin balse ay Chelsea ka hesho dhamaan kharashka Ronaldo ku baxay.

Juventus ayaa 40 milyan Euros oo ay faa’iido wayn ka helayso ku iibinaysa Rugani halka Higuain ay ku fasixi karto 60 milyan euros waana lacagta ay Real Madrid ka doonayso iibkii Ronaldo taas oo hadda Old Lady siinaysa dhiili tirnaan dhinaca suuqa ah.

Si kastaba ha ahaatee, barri oo arbaca ah ayaa la filayaa in Chelsea ay soo gaba gabayn doonto heshiiska ay kooxdeeda ugu magacaabayso tababare Sarri si ay u gasho hawlaha suuqa ee Juventus ay kagala soo wareegayso labadan xidig.