Xavi Hernandez Oo Dabka Ku Shiday Barcelona, Sababa La Xidhiidha In Real Madrid Ay Ku Guuleesatay Markii Saddexaad Ee Xidhiidh Ah Tartanka UEFA Champions League.

Halyeeyga Barcelona Xavi Hernandez ayaa dhaleeceeyay kooxdiisii hore ka dib markii Real Madrid ay dhawaan ku guuleysatay markii saddexaad ee xidhiidh ah tartanka UEFA Champions League, inkastoo ay Blugarana ku guuleesatay horyaalka La Liga iyo Copa del Rey.

Xavi Hernandez ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Express” ee dalka England wuxuu ku sheegay: “Real Madrid waxay heysataa DNA-da ay ugu guuleysan karto tartanka UEFA Champions League, xili ay Barcelona isku dhiibtay in ay gasho hurdo dheer marka ay tahay tartamada qaarada yrub”.

Halyayga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Qofna ma diidi karto in nasiibka uu door weyn uu ka qaatay in Real Madrid ay ku guuleysato tartanka UEFA Champions League, dhamaan xidigaha muhiimka ah ee kooxaha kale waxay la kulmeen dhaawacyo kala duwan, sida Paris Saint Germain Neymar Jr, Bayern Munich Arjen Robben iyo Jerome Boateng, iyo sidoo kale qaladaadkii garsoorayaasha”.

Xavi oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas kusii daray: “Mohamed Salah ayaa sidoo kale ahaa ciyaaryahankii ugu muhimsanaa ee kooxda Liverpool, sidoo kale goolhaayaha Bayern Munich Manuel Neuer, qaladaadkii uu sameeyay badalkiisa Sven Ulreich kulankii wareega siddeed dhamaadka, iyo sidoo kale in Loris Karius oo isla qalad la mid ah sameeyay kulankii fiinalka”.

Halyayga kooxda Barcelona ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxay u egtahay sixir iyo waxyaabo kale, laakiin dhibaatada dhabta ah waa in Barcelona ay liidato, waxaa run ah sidoo kale in Barca ay wali ku guuleesaneyso koobab, laakiin waxaa jira kuwa kale ee ku guuleysta Champions League”.