“Xataa Isagu Magaciisa Muu Aqoon Kahor Intuu Uusan Ku Biirin Barcelona!!” Daafaca AS Roma Ee Kostas Manolas Oo Si Xun U Bahdilay Xiddigii Kooxdiisa Laga Af-duubtay Ee Malcom.

Daafaca dhexe ee kooxda AS Roma ee Kostas Manolas ayaa markiisa ka hadlay saxiixii dhicisoobay ee ay kooxdiisa Roma ku doonaysay da’yarka ree Brazil ee Malcom, Roma ayaa waxkasta kala heshiisay kooxdii uu ka tirsanaa Malcom ee Bordeaux kahor intii aysan Barca si mucjiso leh usoo dhex galin hreshiiskaas.

Giallorossi ayaa bogeeda Twitter-ka ku shaacisay saxiixa xiddigan iyadoo xataa jamaahiirtoodu ay ku sugnaayeen gegida diyaaradaha ee Rome laakiin Blaugrana waxa ay waxkasta ku dhammaysay kaliya 11 saac iyagoo Bordeaux usoo bandhigay dalab ka sareeya midkii Roma.

Haddaba daafacan ree Greek ayaa si xun u bahdilay saxiixii ay kooxdiisa ku hungowday ee Malcom isagoo sheegay inuusan xataa isagu magaciisa aqoon kahor intii uusan ku biirin kooxda ree Catalonia.

Manolas ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ma aqaano cida uu yahay, Ma aqaano isaga Kahor intii uusan u saxiixin Barcelona xataa isagu ma uusan aqoon magaciisa, Ma jirto sabab aan sabab aan ku salaamaa ma uusan doonayn inuu yimaado Roma, Way fiicantahay inuu tagay Barcelona”

Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Roma ee Monchi ayaa saxaafada kahor sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan kooxda Bordeaux oo uu ku tilmaamay mid iyaga khiyaantay sidoo kalena xaraashtay xiddigii ay ka doonayeen ee Malcom.

Dhinaca kale madaxweynaha Roma ayaa sheegay inuu fariimo badan uu ka helay Barcelona farriimahaasna lagaga dalbaday cafis balse waxa uu ku kaftamay uusan cafin doonin Barca ilaa ay kusoo wareejinayaan Lionel Messi.