Xataa Haddii Pochettino La Heli Karo, Waxaan Wali Dooran Lahaa Solskjaer – Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Taageero Ku Helaya Shaqada Rasmiga Ah Ee Man United.

Khabiirka muuq-baahiyaha ESPN FC ahna goolhayihii hore ee horyaalka Premier League kasoo ciyaaray ee Shaka Hislop ayaa tababare Solskjaer ku taageeray shaqada rasmiga ah ee Man United waxaana uu qabaa in tababaraha ree Norway uu qabtay wax ka badan wixii ugu filnaan lahaa shaqada.

Man United ayaa xilli horeba bandhig cajiib ah kusoo bandhigtay wareega shanaad ee tartanka FA Cup kaddib guul 2-0 ah oo ay kasoo gaadheen Chelsea oo joogta Stamford Bridge.

Iyadoo ay dhaawacyo ku maqnaayeen Martial iyo Lingard, Solskjaer ayaa ku qasbanaaday inuu shax bedel sameeyo isaga oo ku guuleystay inuu celiyo Blues.

Solskjaer ayaa haatan haysta koox ciyaaraysa kubad weerar ah oo qurxoon oo lagu sifayn karo midii ay jamaahiirta United soo caadaysteen daawashadeeda wakhtigii Ferguson.

Marka laga yimaado bilawga cajiibka ah ee Solskjaer ka sameeyay waayihiisa tababarenimo ee Man United haddana waxaan meesha ka bixin wararka sheegaya in tababaraha Tottenham ee Pochettino uu si rasmi ah ula wareegayo xilka tababarenimo ee United.

Haddaba, Hislop ayaa aaminsan in Solskjaer uu u qalmo shaqada rasmiga ah ee Red Devils isla markaana uu isaga dooran lahaa xataa haddii la heli karo Pochettino.

Shaka Hislop ayaa yidhi “Shaki la’aan (Wuu sameeyay wax ku filan), Waxaan filayaa inuu xilli horeba qabtay wax ka badan inta ku filan si uu u cadeeyo inuu u qalmo heshiis wakhti dheer ah”

“Xataa haddii Pochettino la heli karo, Waxaan wali dooran lahaa Solskjaer, Is-bedelka natiijo ee ku dhacay Manchester United, Inta badan ee aynu ka hadalno Paul Pogba iyo wixii lamid ah”

“Laakiin ciyaartoy kasta waxa uu ciyaarayaa ciyaartiisii ugu fiicnayd ee inta uu xidhan yahay maaliyada United, Waa mid kamid ah kubadda ugu fiican ee aan iyaga ka aragno shantii sano ee ugu dambeeyay”

“Waxa ay ku ciyaarayaan kalsooni, Waa ciyaar xoriyad loo soconayo, Waxaan sii wadaa ku noqoshada Solskjaer ee shirkiisii jaraa’id markii uu yidhi inuu ciyaartoydiisa ka doonayo inay halista qaabilaan”