XASAASI: Xaalada Adrien Rabiot Iyo PSG Oo Meel Xasaasi Ah Gaadhay & Madaxweyne Nasser Al Khelaifi Oo Soo Dhex Galay Si Uu Saxeexa Rabiot Uga Joojiyo Barcelona.

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al Khelaifi ayaa u muuqda mid ka adkaysan kari waayay xaalada cakiran ee u dhaxaysa kooxdiisa iyo xiddiga isla kooxda ee Adrien Rabiot.

El-Khelaifi ayaa la kulmi doona xiddigan iyo wakiilkiisa Veronique toddobaadkan si ay go’aan uga gaadhaan mustaqbalka xiddigan oo uu heshiiskiisa kooxda ree France ku eegyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Próximo encuentro Rabiot-PSG

Isku dayga madaxweynaha PSG ayaa ah inuu Rabiot ku qanciyo in doorashadiisa ugu fiicani ay noqon doonto inuu sii joogo kooxda, Kulankan ayaa u muuqda mid wax badan go’aamin doona maadaama oo kooxo badan ay la socdaan xaalada 23 jirkan ree France.

Kulamada ilaa haatan dhex maraya Adrien iyo kooxdiisa ayaa ah kuwo aan midho dhal lahayn waxaana xusid mudan in Antero Henrique oo ah agaasimaha ciyaaraha ee kooxdu uu soo jeediyay in xiddigan la iska iibiyo January si ay uga fogaadaan inay qaab xor ah ku lumiyaan xagaaga dambe.

Nasser ayaa ilaa haatan soo gaadhsiiyay inuu xaaladn ku lug yeesho, Kulankan ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu dhaco toddobaadkii hore balse dib u dhac ku yimid darteed ayuu toddobadkan usoo gaadhay waxaana uu kusoo beegmayaa wakhti xasaasi ah oo ay kulan Champions League ah kula balansan yihiin Liverpool.

Kooxda Barcelona oo ah murashaxa ugu weyn ee xiddigan mudada dheer daba taagnayd ayaa filanaysa in El-Khelaifi uu awood u leeyahay inuu Rabiot ku qanciyo inuu doorto sii joogista magaalada Paris.

Si kastaba ha ahaatee, Talaabadan ayaa la filayaa inay noqoto midii ugu dambaysay ee soo af-jari lahayd sheekada taxanaha ah ee ismari waaga ah ee labada dhinac soo kala haysatay mudooyinkii ugu dambeeyay.