XASAASI: Weeraryahan Dilaa Ah Oo Tottenham Caafimaadka U Maraya Saacadaha Soo Socda & Haddii Uu Kulanka Weyn Ee Liverpool Kasoo Muuqan Karo.

Advertisements

Saxaafada kubadda cagta gaar ahaan kuwa kasoo baxa England ayaa ah kuwo sheegaya war xasaasi ah kaas oo ku saabsan in kooxda Tottenham Hotspurs ay heshiis deg deg ah dhigeeda AC Milan kala gaadhay weeraryahan Krzysztof Piatek.

Wargeyska The Sun oo ah midka warkan xasaasiga ah laga helayo ayaa sheegaya in Piatek ay suurogal tahay inuu 48-ka saacadood ee soo socda tijaabada caafimaadka u maro kooxda ree London.

Image result for Piatek Tottenham

The Sun ayaa sheegaya in Milan iyo Tottenham ay si deg deg ah uga go’aan qaateen lacagaha uu heshiiskani ku qabsoomayo waxaana ay Tottenham si hordhac ah u bixinaysaa 28 Milyan oo euro halka 4,7 Milyan ay ku xidhnaan doonaan gunnooyin.

Lacagta ay haatan Milan ku iibinayso weeraryahanka ree Poland ayaa ah mid khasaare galinaysa kooxdeeda maadaama oo ay 35 Milyan kasoo bixiyeen suuqii January ee sanadkii hore markii ay Genoa kala soo wareegayeen.

Heshiiskan deg dega ah sababta keentay ayaa ah in Tottenham aysan haysanin weeraryahan rasmi ah oo u buuxiya booska uu banaynayo Harry Kane oo dhaawacmay kaddib la xaqiijiyay inuu qaliin u baahan doono oo uu maqnaanayo ilaa April.

Marka laga yimaado wararka saxaafada England, Kuwa ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya inaan gabi ahaanba wax heshiis ah la gaadhin oo ay wali tahay in Milan iyo Tottenham ay heshiiyaan.

Khabiirka Sky Sports Italia ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegaya in Tottenham ay markii hore heshiis amaah ah ku dalbatay Piatek balse ay Rossoneri ka diiday.

Advertisements

Ugu dambayn, Piatek ayaa haddii heshiiskiisa ay Tottenham dhammayso kahor kulanka xoogan ee ay Liverpool qaabilayso aysan u badnayn inuu ciyaari doono maadaama oo uu deg deg ku noqonayo kulankaasi.

Advertisements