XASAASI: Qoraalka Farriintii Sirta Ahayd Ee Uu Lionel Messi U Diray Pep Guardiola Kaddib Saxeexii Barca Ee Ibrahimovic Oo La Ogaaday – Miyuu Sabab U Ahaa In La Diro??

Pep Guardiola ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Barcelona ee 2008-09 ku guuleystay dhammaan koobabkii uu ku jiray balse waxa uu ogsoonaa inuu u baahnaan doono xoojin suuqa xagaagii xigay.

Waxa uu go’aansaday inuu Zlatan Ibrahimovic lasoo wareego isaga oo dhinaca Inter Milan u wareejinayay Samuel Eto’o kaas oo 117 kulan 66 gool ugu soo dhaliyay Inter Milan heshiiskaas weyn ayaana ugu dambayn la dhameeyay.

Intaa waxa dheeraa £57 Milyan oo ay Barcelona raacisay Eto’o si ay gacanta ugu soo dhigto Ibrahimovic oo wakhtigaas 27 sano jir ahaa.

“Waxay u muuqataa inaan riyo ku noolahay haatan” Ayuu yidhi Ibra kaddib ku biirista Barcelona balse hadalkaas ayaan u rumoobin oo wakhtigiisa Barca ayaa koobmay.

Waxa iska cad in xidhiidhka Ibrahimovic iyo Guardiola uu xumaa oo uu bur-buray balse waxa haatan soo baxday xog cusub oo sheegaysa in Lionel Messi uu door kulahaa in Ibrahimovic uu Barca iskaga tago sanad kaddib saxeexiisa.

Buuga la yidhaahdo “‘The Messi Mystery” oo uu qoray Sebastian Fest sanadkii 2012 ayuu kaga faalooday nooca farriin uu Messi u diray Guardiola kaddib saxeexii Zlatan.

Barcelona's Argentinian forward Lionel M

Qoraaga kubadda cagta Spain ee Ben Hayward ayaa haatan qoray qoraal uu kasoo xiganayo buugaas oo ah “Erayada saxda ah ee farriinta Messi waa lagu murmay balse dareenka tooska ahi waa (Inuu yidhi )Waxaan arki karaa in aanan intaas wax ka badan muhiim u ahayn kooxda, Sidaa darteed….”

Messi ayaa wakhtigaas 22 sano jir ahaa walina looma arkayn mid kamida xiddigaha abid ugu fiican waxaana la xusayaa inuu wakhtigaas ka cabsaday imaatinka Ibrahimovic isaga oo waliba inuu laba qaab ciyaareed oo xun xun soo muujiyay horraantii 2009/10 ay su’aal weyn galisay tayadiisa.