XASAASI: Neymar JR Oo Maanta Kasoo Muuqan Doona TV, AFARTA Qoddob Ee Xasaasiga Ah Ee Uu Ka Hadli Doono & Barcelona Iyo PSG Oo Kala Calaf Qaadi Doona.

Garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR ayaa maanta kasoo muuqan doona barnaamijka ‘Aqui Na Band’ waxaana uu ka faaloon doonaa qoddobo dhawr ah iyadoo noqonaysa markii ugu horreysay ee uu hadlo mudo kaddib.

Qoddobada uu ka hadli doono ayaa kala ah ka maqnaanshihiisii xulkiisa Brazil ee Copa America kusoo guuleystay oo uu dhaawac kaga maqnaa iyo waliba dhibaatooyinkiisa dhaawac.

Sidoo kale Neymar ayaa ka faaloon doona wax ku saabsan kiiska xasaasiga ah ee kufsiga ah ee loo haystay iyo waliba mustaqbalkiisa oo haatan ah mid aan lugo adag ku taagnayn si weyna loola xidhiidhinayo Barcelona.

Waraysigan uu bixin doono iyo inuu muuq-baahiye kasoo muuqanayo ayaa noqonaysa markiisii ugu horreysay ee tan iyo markii ay kufsiga ku eedaysay gabadha dharka xaysiisa ee ree Brazil ee Najila Trindade oo ay ku kulmeen Huteel Paris ku yaala bishii May.

Aabaha Neymar JR oo lagu magacabo Neymar Sr ayaa isagu hore uga soo muuqday barnaamijkan ‘Aqui Na Band’ isaga oo markaas si deg deg ah wiilkiisa uga difaacayay eedaymaha.

Arrinta ugu xasaasisan ayaa ah in 27 jirkan oo dhawaan ay madaxda PSG sheegeen inuu tagi karo haddii dalab sax ahi yimaado uu ka hadli doono mustaqbalkiisa dhaw iyo waxa uu damacsan yahay  isaga oo si gaar ahaaneed uga hadli doona suurogalnimada uu Camp Nou ugu laabanayo.

Hadalka kasoo yeedhi doona Neymar ee ku saabsan mustaqbalkiisa ayaa la filayaa inuu noqon doono mid ugu dambayn meel saari doona warar badan oo xan ah oo laga soo qoray arrimaha mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Qaybahayaga dambe ayaad si buuxda ugaga boggan doontaan halka ay wax ku dambeeyaan iyo hadalada uu ku go’aamin doono qoddobadaas xasaasiga ah ee uu ka warramayo.