XASAASI: Tababare Maurizio Sarri Oo Ugu Dambayn Dhinac U Dhacay & Qoddob Xasaasi Ah Oo Kasoo Baxay Shirkii Uu Sarri La Qaatay Maamulka Chelsea.

Maamulka sarre ee kooxda Chelsea iyo tababaraha kooxdaas ee Maurizio Sarri ayaa sidii aanu horeba idiinla soo wadaagnay wada qaatay shir lagaga arinsanayay mustaqbalka tababaraha ree Talyaani.

Sarri ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee carriga England Chelsea ku guuleeyay tartanka UEFA Europe League isaga oo sidoo kale usoo saaray tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Marka laga yimaado in Sarri uu kooxdiisa kusoo hoggaamiyay wax qabadkaas la taaban karo haddana waxa markasta soo saarnaa cadaadis kaga imaanayay saxaafada iyo waliba jamaahiirta kooxda.

Iyadoo mudo koobani kasoo wareegtay tan iyo markii ay Chelsea 4-1 kaga guuleysatay dhigeeda Arsenal kulankii Final-ka Europe League haddana waxa isasoo taray wararka sheegaya in Sarri uu ka baxay kooxda.

SIDOO KALE AKHRISO:  Zinedine Zidane Oo Shirkiisa Jaraa'id Su'aalo Badan Loogu Waydiiyay Arinta Neymar Jr Iyo Jawaabtiisa Oo Xamaasad Sii Abuurtay.

Si kastaba, Qoddobka ugu xasaasisan ee kasoo baxay shirkii jaraa’id ee dhex maray Maurizio iyo maamulka Blues ayaa lagu sheegay inuu yahay in labada dhinac ay kala baxaan iyadoo Sarri la fasixi doono si uu ula wareego Juventus.

Wariyaha ree Talyaani ee wararkiisa lagu kalsoon yahay ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in wakiilka Sarri ee Fali Ramadani uu u duulay London si uu maamulka Chelsea ugala xaajoodo qorshaha u 60 jirkani kaga baxayo kooxda ee uu ugu wareegayo Juventus.

Intaa waxa dheer in wariye Alfredo Pedulla oo ka hawl gala Football-Italia uu sheegay in Maurizio Sarri uu aad ugu dhaw yahay inuu u dhaqaaqo Juventus iyo magaalada Turin.

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Khabiirada Sky Sports Oo Saadaaliyay, Afarta Kooxood Ee Kaalmaha Sare Ee PL Gali Doona, Xidigaha Kabta Dahabka Ah Ku Guulaysan Doona Iyo Kooxaha Heerka Labaad U Dhici Doona.

Si kastaba ha ahaatee, Haddii hadala wariye Pedulla uu rumoobo ayaa la filayaa inaysan wakhti badan qaadan doonin in Juventus ay ka tababaraheeda ahaan usoo bandhigto Maurizio Sarri.