XASAASI: Maalinta Ay Barcelona Dhammaystiri Doonto Heshiiska Xagaagan Ugu Cajiibsan Ee Neymar JR Oo La Ogaaday!!.

Waxa wali halkooda kasii socda wada hadalada u dhaxeeya kooxaha Barcelona iyo PSG oo ka wada xaajoonaya wax ku saabsan arrimaha Neymar JR iyo qaabkii uu xiddigaasi ree Brazil uga soo dhaqaaqi lahaa Paris ee uu Barca ugu wareegi lahaa.

PSG ayaa la fahamsan yahay inay codsatay intii wada hadaladaas lagu jiray in ugu yaraan heshiiskan ay Barcelona kusoo darto laba ciyaartoy marka laga yimaado lacagta dheeriga ah ee ay sidoo kale heshiiska ku darayso.

Dhinaca kale Barcelona ayaa diiday in lacagta ay bixinaysaa ay kor u dhaafto 100 Milyan waxaana ay doonaysaa inay heshiiska ku darta laba ciyaartoy ama hal ciyaartoy.

SIDOO KALE AKHRISO:  Muxuu Neymar Jr Ula Jeeday Qoraalkan Uu Baraha Bulshada Soo Dhigay Ee Uu Ka Soo Qaatay Bob Marley?

Wararka laga helayo France ayaa sheegaya in labadda ciyaartoy ee suurogalnimada ugu badan loogu dari karo heshiiskan ay yihiin Ivan Rakitic iyo Philippe Coutinho kuwaas oo labadaba hore loola xidhiidhiyay kooxdaasi.

Haddaba, Wargeyska fadhigiisu yahay Paris ee lagu magacaabo ‘Paris United’ ayaa sheegay in wadahadalada u dhaxeeya labada dhinac ay yihiin kuwo horumarsan isla markaana maalmaha soo socdaba heshiiskan la dhammayn karo.

‘Paris United’ ayaa ku doodaya in Neymar uu ugu dambayn noqon karo ciyaartoy Barcelona ah maalinimada Jimcaha soo socota isla markaana saxaafada loo soo bandhigi karo isla wakhtigaas.