XASAASI: Halkan Kaga Boggo Faah-Faahinta Dalabkii Ugu Horreeyay Ee Ay Barcelona Ka Gudbisay Lautaro Martinez & Jawaabtii Ay Kasoo Heshay Inter Milan.

Kooxda Barcelona ayaa shaaca laga qaaday inay durtaba dalab ka gudbisay weeraryahanka mustaqbalka weyn leh ee Inter Milan ee Lautaro Martinez oo ay aad u doonayeen suuqyadii ugu dambeeyay.

Saxafi Nicolo Schira oo ka shaqeeya wargeyska caanka ah ee La Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu uu Martinez ka dhigtay xiddiga ugu sarreeya ee qorshihiisa suuqa xagaagan.

Schira ayaa sidoo kale ku doodaya in madaxweyne Bartomeu uu aaminsan yahay inuu laba xiddig oo kooxdiisa ah ka samro si uu gacanta ugu soo dhigo saxeexa Lautaro Martinez.

22 sano jirkan ree Argentina ayaa xilli ciyaareedkan bandhig weyn usoo sameeyay Inter Milan waana sababta xiisaha Barcelona keentay xilli ay saxaafada Talyaanigu hore u sheegeen in 111 Milyan oo euro qandaraaskiisa lagu jabin karo.

Wariye Schira ayaa sheegay in Barcelona ay gudbisay dalabkeedii ugu horreeyay ee ay Lautaro ku doonaysay isla markaana uu ka koobnaa 70 Milyan oo lagu daray Nelson Semedo iyo Arturo Vidal balse ay Inter iska soo diiday.

Vidal ayuu bar-tilmaameed ka dhiganayay tababare Antonio Conte halka ay Barca heshiiska ugu dartay Semedo si ay u gaadho qiimaha ay doonayso Inter.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Blaugrana ay diyaarinayso heshiis ay sanadkii 10 Milyan mushahar ahaan ugu siinayso Lautaro balse ay marka hore tahay inay bixiso dhammaan lacagta heshiiskiisa lagu jabin karo.