XASAASI: Chelsea Oo Juventus Ka Doonaysa Xiddiga Barcelona Heshiiska La Gaadhay Ee Miralem Pjanic & Sababta Ay Barca Ugu Garaaci Karaan Saxeexiisa

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay kusoo laabatay tartanka khadka dhexe ee Juventus Miralem Pjanic kaas oo dhawaan ay saxaafadu sheegtay inuu heshiiska shaqsiga ah la meel dhigay Barcelona.

Xiddigan kasoo jeeda dalka Bosnia and Herzegovina ayaa u muuqda mid uu soo dhammaaday wakhtigiisii Allianz Stadium isla markaana suuqa xagaaga iskaga dhaqaajinaya kooxdaas xilli ay kooxo dhawr ah xiisaynayaan saxeexiisa.

Pjanic ayaan xilli ciyaareedkan bandhigiisii ugu wanaagsanaa kusoo hoos samaynin tababare Maurizio Sarri iyadoo ay xusid mudan tahay xataa inuu booskiisa waayay kulamadii ugu dambeeyay ee Juve ay ka ciyaartay xilli ciyaareedka kahor intii aan la hakinin.

Inta ugu badan saxaafada kubadda cagta ayaa xustay in Miralem uu waxkasta kula heshiiyay Barcelona balse ay kaliya caqabadu ahayd inay Barca ka fikiraysay ciyaaryahanka ay kaga bedelanayso.

Wargeyska England kasoo baxa ee Metro ayaa shaaca ka qaaday hadda in heshiiskii dhex maray 30 sano jirkan iyo Barcelona uu noqon karo mid aan midho dhalin maadaama tababare Sarri uu aragti kale qabo.

Sarri ayaa doonaya inuu Pjanic kooxdiisii hore ee Chelsea kaga soo bedesho ciyaaryahanka ay inta badan soo wada shaqeeyeen ee Jorginho halkii ay Barcelona ciyaartoy kale kaga bedelan lahaayeen waana sababta ay Blues saxeexiisa ugaga guuleysan karto Barca.

Jorginho ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhibtooday Chelsea balse doorkan ayuu u muuqday mid qayb wanaagsan ka qaadanayay kooxda uu hoggaaminayo tababare Frank Lampard walow ay waxkasta dhici karaan marba haddii uu dalab ka helo Sarri oo ay aqoon dheer isku leeyihiin.

Chelsea 'to be offered Miralem Pjanic as part of player-plus-cash ...

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook