XASAASI: Bayern Munich Oo Dhammaystirtay Saxeexa Xiddig Real Madrid Ka Tirsan Xilli Uu Dhawaan Tijaabada Caafimaadka U Marayo.

Advertisements

Kooxda ree Germany ee Bayern Munich ayaa lagu soo warramayaa inay dhammaystirtay saxeexa daafaca midig ee kooxda Real Madrid ee Alvaro Odriozola oo ay qaab amaah ah kaga kaxaysanayaan Estadio Santiago Bernabeu.

Advertisements

Wargeyska Germany kasoo baxa ee Bild oo ah midka xogtan laga soo xiganayo ayaa sheegaya in heshiiskani gabi ahaanba soo dhammaaday oo ay labada kooxood waxkasta isku af garteen,

Daafaca ree Spain ayaa la aaminsan yahay inuu haatan ku wajahan yahay magaalada Munich halkaas oo uu tijaabada caafimaadka ku marayo saacadaha soo socda.

Odriozola ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibtooday inuu wakhti ciyaareed ku filan ka helo kooxdiisa iyo tababare Zinadine Zidane iyadoo Dani Carvajal uu ahaa daafaca midig ee inta ugu badan la doorbidayay.

24 sano jirkan ayaa kaliya 27 kulan u ciyaaray Los Blancos tan iyo markii uu dhinaca Real Sociedad ugaga soo biiray lacag 30 Milyan ah sanadkii 2018 taas oo muujinaysa sida uusan wax fursad ah oo wanaagsan uga helin Bernabeu.

Helitaanka Odriozola ayaa noqonaya mid kamida qorshayaasha Bayern Munich ee gudaha bishan January oo ahaa inay safka kooxdooda xiddigo dhawr ah kusoo xoojiyaan kahor qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Advertisements